Article Details

Kooxda Horseed oo ku guulaysatay koobkii Jeneral daauud 2015.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 17/12/2015 | Views: 546

Kulankii kama dambaysta ahaa ee koobka Jeneral Daauud 2015 ayna galabta isaga horyimaadeen kooxaha ciidamada Xooga Dalka iyo Booliska isla markaana sida tooska ah looga daawanayey telifishanka qaranka ayaa waxaa 2-1 ay guushii ku raacday kooxda Horseed ee xooga dalka.  

Cayaartan oo ay daawashadeeda ka soo qaybgaleen taliyayaasha ciidamada Xooga iyo Booliska dalka, wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha, madaxda cayaaraha kala gedisan iyo kumanaan taageerayaal ah oo u kala sacabtumayey labadan kooxood ayaa waxa ay ku bilaabatay xamaasad aad u xooganayd isla markaana ay labada kooxoodba ku dadaalayeen in ay goosha la hormaraan.

Heegan ayaa gool uga naxsatay kooxda Horseed qaybtii hore ee cayaartan oo ahayd mid aad loo wada sugayey maalmihii ugu dambaysay kana mid ahayd hadalhaynta ugu badan ee aaladaha wararka fidiya, balse la soo tasasho macalimiinta iyo balanqaadyo ka dib ayey kooxda Horseed waxa ay qaybtii dambe heshay laba gool oo xariir ah sidaasina mar kale ku hantisya koobka labaad ee ugu qiimaha badan dalka.

Kooxda Horseed oo ka mid ahayd kooxihii ugu magaca waynaa dalka ayaa u muuqata mid ka soo kabanaysa burburkii ku dhacay waxaana ay kooxdani horey u soo saartay cayaartoy magic iyo sharafba ku lahaa kubadda cagta dalka kuna guulaystay koobab badan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan qurbaha ayaa aad u sugayey kulankan oo ay markii ugu horeysay ka daawanayeen telifishanka qaranka taasoo farxad badan ku abuurtay isla markaana fursad u siin doonta mustaqbalka in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa cayaaraha dalka, ka qaybqaadashada taageeradooda iyo waliba tilmaanta qaladaadka Jira intaba.

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page