Article Details

Fiinaalka Koobka Generaal Daa'uud oo Toos looga Daawan Doono SNTV

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 16/12/2015 | Views: 481

Markii ugu horeysaya taariikhda kubada cagta dalka Soomaaliya ayaa si toos ah Telefishinka looga daawan doonaa cayaar kubadda cagta ah oo ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Dhamaan adeegyadii muhiimka ahaa ee loo baahnaa si cayaarta live loogu daawado ayaa iminka lasoo dhameystiray, waxaana cayaartan oo ah tii ugu dambeysay koobka Jeneral Daa’uud ee sanadkan si toos ah looga daaan doonaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Cayaarta kama dambeysta ah ayaa waxaa isku arki doona naadiga ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ee Horseed iyo naadiga ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Heegan.

Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, Cabdiqani Saciid Carab, ayaa toos u daawashada cayaartan ku tilmaamay talaabo horumar leh oo uu horay u qaaday xiriirka Soomaaliyeed oo hada kaoo kabsanaya dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii iyo qalalaasihii dalka ka jiray 25-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

"Waa horumar deg deg ah oo la gaaray, waxaan muddo dheer ku riyooneynay in mar uun in cayaareheenu ay noqdaan [LIVE], tanina waa xaqiiqsashadii riyadaneenii mudada dheer jirtay”ayuu qoraal uu soo saaray ku yiri guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab.

Guddoomiyaha ayaaa sheegay in tani ay tahay tijaabo hadii lagu guuleysto uu xiriirku dadaal u geli doono sidii bilaha inasoo aadan cayaraaruhu u noqon lahaayaeen kuwo si toos ah looga daawado adduunka.

Guddoomiyaha ayaaa si weyn ugu mahad celiyay labada hey’adood ee xiriirka kala shaqeynaya sidii cayaartaasi u noqon lahayd mid si toos ah loo daawado. Hey’adahan xiriirka arrinkan ka gacan siinaya ayaa kala ah Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Horn Connect.

Koobka Jeneral Daa’uud ayaa ah cayaarta labaad ee loogu daawashada badan yahay dalka Soomaaliya, waxaana la qabtaa sanad kasta iyadoo lagu xusuusanayo aas aasihii ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee Jeneral Daa’uud Cabdulle Xersi.

Ale ha u naxariistee Jeneral Daa’uud waxaa uu ku dhashay tuulada Mareeg ee gobalka Galgaduud sanadku markuu ahaa 1924-kii, waxaan uu geeriyooday sanadkii 1965-kii.

Laakin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagtu wuxuu soo bilaabay qabashada tartanka Jeneral Daa’uud sanadkii 1972-kii.

FAAFAAHINTA CAYAARTA

Cayaarta ugu dambeysa Koobka Jeneral Daa’uud: Horseed V SHeegan

Garoonka: Stadium Banadir. Taariikhda: 17 December 2015. Waqtiga: 14:45, waqtiga geeska Africa.

Daawsho Toos ah [Live]: Waxaa laga daawan doonaa caalamka oo dhan Telefishinka qaranka Soomaaliyeed.

W/D Cumar Ibraahim Cabdisalaam

Somali Football Federation Media Department

Email:info@somsoccer.com

Print Bookmark and Share

Return to previous page