Article Details

Heegan oo u soo baxday Finaalka Koobka Jeneraal Daa'uud

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 11/12/2015 | Views: 480
Kooxda Heegan ayaa usoo baxaday Fiinalka koobka Jeneraal Daa'uud 2015 kadib marki ay guul ka gaartay kooxda Jeenyo o ay ku kulmeen garoonka Banaadir

Kualanka oo ahaa mid aad u xiiso badan  ayaa waxaa usoo daawasho tagay dadweynihii ugu badnaa, Heegan ayaa  bilowga  hogaanka la wareegtay waxaana daqiiqadi 15-aad  goolka u dhaliyay  Kabtan Jabriil Xasan fariid,  kadib markii uu baas wacan ka helay  xiddiga reer Nigeria  ee No 19 u xirta Heegan  Onuudi Chebuse waxaana qaybta hore lagu kala nastay 1-0.

Marki laysku soo laabtay Jeenyo ayaa lasoo baxday cayaar weerar ku dheehan waxaana daqiiqadi 63 goolka barbaraha u dhaliyay  Xasan Cabdunuur Geeseey (Xasaasi) kaasii dhaliyay gool laad xor ah.

 

Heegan ayaa daqiiqadi 65 weysay kabtankooda Jabriil Xasan fariid oo calaamada Casaanka loo taagay kadib markii uu qalad ku galay  Dafaca Jeenyo  Duufaan   basle waxaa goolka neefta ka fujiyay u dhaliyay Maxamed Muxudiin Xaaji  oo ciyarta ka dhigay 2-1 daqiiqadi 79-aad.

 

Jeenyo  oo aan qusan ayaa dqiiqadi 89 heshay gool kulaad waxaana mar kale shabaqa ku hubsaday Xasan Cabdi nuur Geseey oo ciyaarta ka dhigay 2-2.

Gool ku laad loo dhigay  ayay  kooxda Heegan ku adkaatay 7-6 waxaa Heegan ka qasaariyay Axmed Cabduqaadir Dayib AxmedSaqiir)  halka Jeenyo ay ka qasaariyeen  Cabdicasiis Catoosh  iyo Axmed tahliil.

Heegan ayaa inta cayarta socotay loo tagay afar Jaale iyo 1 kaarka Casanka Hlak Jeenyo ay qaadatay 3 jaale.

 

Waa Kulanki labaad oo xiriir ah oo Heegan ku adkaanayso gool kulaad sidoo kale waa kulanki sedexaad oo xiriir ah oo Heegan guul ka gaarasyo Jeenyo horyaalka iyo Jneral Da'uud , sidoo  kale  Heegan waxay Jeenyo kaga aarsatay guuldaradii   kasoo Gartay  Fiinalki koobkan 2014.

Labad Weerayahan ee Heegan weerarka  cayaara Jabriil Xasan Fariid iyo Onuudi Chebuse  noqday weeraryahada goolasha ug adban tartankan ka dhaliyay min 7 gool, basle Fiinalka ayuu maqnaan doonaa Jabriil,taasoo fursad siinaysa  Onuudi Chebuse waxaana qaybta hore .

 

 

 

 

Heegan  ayaa fiinalka la ciyaari doonta  kooxda Horseed  waxana kulanka  finaalka loogu magac daray  kulanka Ciidanka qalabka sida.

 

Kulanka waxaa garsoore ka ahaa Xasan Maxamed Xaaji , Calanhayaha Koowad Aweys cabdullahi Shiikh , calanhayaha Labad Maxamed Muxdiin Nuur (Soomali) Garsooraha Keydka  Aweys Geele, Xeer-ilaliyaha  ciyaarta Cabdi Cabdulle Baasaale.  

W/D: Xuseen Maxamed Hadafow

 

 

 

 


Print Bookmark and Share

Return to previous page