Article Details

Xiriirka Kubbadda Koleyga Soomaliya oo shaaciyay Xilligya uu furmayo Horyaalka 2015-16+

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 10/12/2015 | Views: 471
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Koleyga ayaa kulan lagu iclaaminayo furitaanka  horyaalka kubada koleyga  

Xiriirka  ayaa   masuuliyiinta iyo Macalimiinta  naadiyada  kala hadlay qaabkii loogu wada istaagi lahaa horumarinta kubbadda kolegya iyo sida horyaalkan uga wanaagasanaan lahaa kuwii lasoo dhaafay , waxaana dood laga galay doonista ay koxoaha qaar doonayaan in ay lasoo saxiixdaan ciyaartooy Ajaanib ah iyo tirada kooxaha ay keensan karaan.

 

 

Marka uu kulanka soo idlaaday waxaa saxaafadad la hadlay Guddoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee kubbadad Kolegya Cabdullaahi Nuur Maxmed Cadaani waxuuna sheegay in dood dheer kadib ay xiriirka iyo kooxaha isla garteen In kooxaha  keensan karaan ciyaartooy Ajaanib ah taaso xirirka u arko in ay horyaalka  sare u qaadayso , basle aysan laba cayaarhyahan ka  badnaan karin  si ay fursado badan u helaan ciyartoyda dalka,  iyo  In kooxaha heerka koowaad abuuraan   ciyaarto 

 da'yar ah oo ka bilaabanay da'da 8 jirka.

 

Guddoomiye Cadaani aya dhanka kale tilmamay in xiriirka uu sanadkan sameeyay  dadaalo lagu horumariyo garsoorka iyo tababarayaasha  isagoo xusay in  tababar dhanka garsoorka oo heer Zone oo garsorayaal heer zone xiriirka  ka helay muqdisho lagu qabtay , Tababar heerka tabarainimo uu xiriirka u diray  Macalin Barajab  oo ku helay Shahaada tabaranimo  iyo Tababar dhanka xeer ilaalinta uu xiriirka u diray 

EX Garsoore Maxamed Xaaji.

 

Guddoomiye Cadaani ayaa dhanka kale amaan usoo jeediyay maamulka isboortiga gobolka Banaadir oo soo qaban qaabiyay tartanka kubbadda koleyga degmooyinka , xiriir ahaan ay ku dadaali doonaan sidii loo qaban lahaa tartanka dugsiyada iyo gobolada , basle ka hor tartamadaas ay qaban doonaan tababar lagu tababaryo tababarayaashi ciyarahas qaban lahaa , waxuuna ugu dambeyn kooxaha ka qeyb galaya horyaalka kula dardaarmay in ay ilaaliyaan nidaamka iyo xeerka tartanka. 

 

 

 

Horyaalka kubbadda Koleyga 2015 -16 waxuu bilaaban doonaa 25 Decemner  waxana kulanka ugu horeeya ciyaari doona kooxaha  Heegan oo horyaalka difacanysa  

iyo Gaadiidka.

 

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 

 

 

 

 

 

 

 



Print Bookmark and Share

Return to previous page