Article Details

Dugsiga Banadir Zone oo qabanaya cayaaro lagu horumarinayo kubadda Gacanta dalka.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 9/12/2015 | Views: 512

Dugsiga Banaadir Zone oo kaashanaya Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Gacanta ayaa bilaabay tababar loogu diyaar garoobayo qabashada tartan kubadda Gacanta.

Xiriirka Sooomaliyeed ee kubada Gacanta ayaa horey uga dhawaajiyay qorshe kubadad Gacanta laga soo bilabayo heerka iskuulada si loo helo ciyartooy da'yar oo mustaqbnal ku yeesha kubada Gacanta waxuuna Dugsiaga Banaadir Zone noqday dugsiga ugu hgoreeyay ee diyaar garow u gala gabashada tartankan oo  ay ka qayb galayaan Ardaydaiskuulka.

Madaxda isboortiag Dugsiga Banaadir Zone Cabdulaahi Xasan Kuusoow oo ka warbixyay tababarka ayaa sheegay in tababrkan uu socday mudo sedex bil ah isla markaana ay isugu keeneen 80 arday oo laga keenay xarumaha Banaadir zone, kuwaa la barayo xirfadaha kubadda Gacanta

Kuusoo ayaa intaa ku daray in tababarkan ay ardayda ku qaadanayen garoonka Wiish iyo Xeebta Liido isla markaana ay bixinayeen Macalimiin uu ka mid yahay Macalinka Xulka qaranka Maxamuud Xuseen Cariif, Ardaydunayihiin kuwa jecel in ay natiijo ka gaaraan ciyaarta kubadda Gacanta oo bilaaban doona bishan 20keeda.

Ustaad Cabdalla Cabdalla Cali oo ka mid ah maamulka Banaadir Zone oo sharaxaad ka bixiyay hadafka iskuulka ee horumarinta isbortiga ayaa sheegay in Banaadir Zone uu doonayo in uusoo saaro ciyaartoy tayo aqooneed iyo mid isboorti leh si loo helo ciyaarto dhamaystiran oo waxtar bulsho iyo mid isboorti leh.

Ustad Cabdala aya intaa ku daray in Banaadir zonehadafkoodu yahay ka qayb qaadashada horuamrka isboortiga isla markana uu xiriir fiican ka dhaxeeeyo xiriirada kale gedisan ee isboortiga.

Dugsiga Banaadir Zoneayaa la aasaasay sanadi  2006 waxuuna xaruma gaaraya 7 ku leeyahay gobolada Banaadir iyo Shabellada hoose , dhank akale  waxuuna noqday iskuulka wax soosaarka ugu badan kuleh isboortiga dalka , isagoo soo saaray ciyaartooy qaybaha kale gedisan ee isboortig iyo garsoorayaal kubadda cagta iyo Gacanta.

 

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com

 

 

 

 


Print Bookmark and Share

Return to previous page