Article Details

Xiddigii hore ee naadigii Badda "Degdeg" oo Hargaysa lagu soo dhaweeyey.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 19/11/2015 | Views: 771
Waxaa magaalada Hargaysa ee Somaliland ku sugan cayaaryahankii hore ee naadigii Badda Degdeg ka dib markii uu ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen gaar ahaan magaalada Ticis oo uu ku noolaa muddo aad u dheer.

Xiddigan oo ay dadkii nasiibka u yeeshay in ay daawadaan aad ugu raaxaysan jireen qaab cayaareedkiisii wanaagsanaa ee kubadda cagta iyo sidii uu ula jaanqaadi jiray saaxiibadiisii qadka dhexe ee naadigii badda ayaa waxaa uu aad ugu farxay sidii guud ahaan loogu soo dhaweeyey magaalada Hargaysa gaar ahaana markii uu magaalada kula kulmay qaar ka mid ah asxaabtii ay waqtiga wanaagsan isla soo qaateen isla markaana ay xiliyo badan isaga horyimaadeen garoomadii kubadda cagta ee dalka.

Xasan Waraabacadde (Ataroos) oo u cayaari jiray naadigii kubadda cagta ee Madbacadda Qaranka, Jamaal Xasan (Gaadiidka) iyo Axmed Qaldaan oo ay Degdeg isku naadi u cayaari jireen ayaa si diiran oo walaaltinimo iyo saaxiibtinimo ku dheehan tahay ugu soo dhaweeyey magaalada Hargaysa halkaasoo uu mar kale ku dareemay in uu dalkiisii ku soo laabtay sida uu ii xaqiijiyey Xasan Ataroos.

“Waxay dhamaanteen noo ahayd maalin farxadeed gaar ahaan walaalkeen Degdeg oo aan filaynin in uu Hargaysa kula kulmi doono dad bar aqoon kara waxa uuna run ahaantii ugu mahadceliyey dhamaan dadka reer Hargaysa sidii wanaagsanayd ee loo soo dhaweeyey uuna dareemayo hadda in uu gurigiisii joogo. Waxaan ku wargelinayaa dhamaan asxaabtii uu lahaa Degdeg in ay hadda kala soo xariiri karaan magaalada Hargaysa” ayuu yiri Xasan Waraabacadde

Degdeg ayaa waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ugu caansanaa ee soo mara kubadda cagta dalkeena gaar ahaan naadigii Badda waxaana ay dad badani ku xasuustaan timo aad u dheer oo si wanaagsan ugu xarkoon jiray gaar ahaan marka uu garoonka ku jiro.

Print Bookmark and Share

Return to previous page