Article Details

Cayaaraha v Cabdixakiim Dheere (One 2 One). Waraysi + sawiro.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 10/10/2015 | Views: 1273
C/Xakiin Maxamuud Xasan oo bahda sport gu u yaqaanaan C/Xakiin Dheere waxa uu ku dhashay magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag sanadkii 1966 kii waxa uuna ku soo barbaaray xaafadda H/Wadaag ee magaalada Mogadishu waxa uu waxbarashadiisa ku soo qaatay isla magaalada Mogadishu ee dalkeena asagoo ugu dambayntiina ka soo dhoofay dalka sanadku markuiu ahaa 1989 kii.
C/Xakiim Dheere waxa uu xilli badan badan ku noolaa qurbaha gaar ahaan waqooyiga Maraykanka iyo Yurub waxaana uu sanadihii ugu dambeeyey did ugu laabtay kuna noolyahay magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxaanan waraysigan uga qaaday aaladda internetka gaar ahaan baraha ay bulshadu ku kulmaan waxaana uu iiga waramay taariikhdiisii cayaareed iyo noloshii wanaagsanayd ee uu la soo qaatay cayaartoydii dalka taasoo aan hubo in ay dib noo celin doonto sanado badan soona xasuusin doonta dad badan oo bahdan ka mid ah taariikhihii sport ga dalka waxa uuna waraysigeenii u dhacay sidan: 


Cayaaraha: Marka ugu horeysa waxaad ku soo dhawaataa shabakadda cayaaraha.com waxaanan kaaga mahadcelinaynaa ogolaanshahaaga waraysigan, marka xiga waxaad wax iiga sheegtaa xiligii aad ku biirtay cayaaraha iyo ciddii kugu dhiirigelisay intaba? 

Cabdixakiim Dheere: Maxamuud aad ayaad u mahadsantahay fursadan qaaliga ah ee aad I siisay waana kaaga mahad celinayaa, haddii aan isku dayo in aan ka jawaabo sida aan cayaaraha ku bilaabay, waxaan ka soo bilaabay oon ku ciyaari jirnay xaafada Cagawayne ama garoonkii Baaba-raqiis ee dagmada Hawl-Wadaag, caruurnimadaydiina aad ayaan u jeclaa kubada cagta, waxaase dhacday in aan xaafadii ka guurnay oo waxaan u guurnay magaalada Beled Xaawo oo aabahay AUN loogu bedelay shaqo ahaan asagoo u shaqayn jiray wasaaraddii Maaliyadda ee dalka, ka dib waxaan halkaygii ka sii watay ciyaartii kubada cagta anigoo u saftay dugsigii waxbarashada ee magaaladaasi. 

Waxaan dib ugu soo laabanay magaalada Mogadishu 2 sanadood kadib anagoo degnay xaafadda Hodan oo deris la ah xaafaddii aan ku barbaaray anigoo durbadiiba la jaan qaday dhalinyaradii xaafadda kana mid noqday kooxdii Waamo la odhan jiray macalinkana uu ahaa nin la oran jiray Abulow. 

Ka dib waxaa dhacday in ay kooxda Horseed iclaamisay in ay qaadanaysay koox da’yar ah (Seria B) ama heerka labaad ah oo la is xoraynayo waxaanan nasiib wanaag kamid noqday dhalinyaradii la xushay, 1980-81 ayaan u saftay kooxdii heerka labaad ee naadigaasi faca wayn Horseed. 

Xaga dhiirigelinta waxaa si aad ah iigu dhiirigeliyey aabahay Maxamuud Xasan alaha naxariistii janno ha siiyee oo ahaa shaqsi aad u jeclaa cayaaraha fahamsanaana faaiidooyinka ay ubadka u leeyihiin iyo macalin Ahmed Violence oo asaguna aad ii gacan qabtay mahad balaarana aan uga celinayo gacanqabashadiisii iyo dhiirigelintii uu had iyo goor siin jiray dhalinyaradii yaryarayd.

Cayaaraha: Markii aad caruurta ahayd kubadda cagta oo kaliya miyaad jeclayd in aad cayaartid mise waxaa jiray cayaaro kale oo aad cayaari jirtay mise ku guulaysatay in aad heer ka gaartid? 

Cabdixakiim Dheere: Maya kubadda cagta kaliya ma cayaari jirin ee maadaama aan ahaa inan dheer waxaan sidoo kale jeclaa in aan cayaaro kubadda Kolayga oo aan aad ugu wanaagsanaa markaan yaraa waxaanan u cayaaray dhawr dugsi waxbarasho oon ka mid noqday xulalkooda balse nasiibdarro ma sii wadin kubadda Kolayga maadaama aan aad u jeclaa kubadda cagta oo xoogayga isugu geeyey sidii aan horumar uga gaari lahaa.

Cayaaraha: Maxaa kugu dhaliyey in aad kooxda Batroolka ka dooratid Kooxdii Horseed kana mid noqotid yaase kugu dhiirigeliyey in aad kooxdaas tagtid? 

Cabdixakiim Dheere: Saaxiib waa su’aal aad u wanaagsan, waxaa ugu horeyn igu dhiirigeliyey qaab-cayaareedkii kooxdan oo aan aad u jeclaa, sidoo kale cayaartoyda kooxda oo ay ka mid ahaayeen cayaartoy aan isku xaafad ku kornay waxaase intaas oo dhan ka badnaa dhiirigelintii aan ka helay saaxiibkayga qaaliga ah ahna xiddigii kooxdaasi iyo xulkii qaranka Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cutti). 


Cayaaraha: Ka hor intii aadan ka mid noqon kooxda heerka koowaad (Serie A) maka qaybgashay tartamadii kale ee ka hooseeyey sida xulkii Gobolka Banaadir ama heerka labaad ee kooxaha, mise jiraa fikirka ah in cayaartoydu ka dhaxlaan waaya aragnimo? 

Cabdixakiim Dheere: Haa waxaan ka mid noqday xulkii gobolka banadir 1982 kii oo macalin Giftin macalinka u ahaa, balse waxaa dhacday markii ugu badnaan muddo bil ah ay ka harsan yihiin furitaankii cayaaraha ayaa waxaa khilaaf soo kala dhexgalay macalinka iyo guddigii gobolka taasoo keentay in macalin Giftin ka tago hawshaas laguna bedelay macalimiinta kala ah Tuke iyo Coonka ka dibna ay afar cayaartoy oo aan anigu ka mid ahaa laga soo saaro xulka gobolka. 

Sanadkii xigay ee 1983 kii ayaa aabahay mar kale loo bedelay gobolka Sanaag waxaana ii suuragashay in cadhadii iyo niyadjabkii aan ka qaaday gobolka Banaadir aan u soo saftay gobolka Sanaag, kadibna waxaan wareegii labaad ee Xamar u soo baxnay anagoo marna nalaga badinin, runtiina waxaan kala kulmay waayo aragnimo dheeraad ah oo waxaadba moodaa inaad xul qaran u ciyaarayso, xamaasadda, dhiiri galinta iyo is dhexgalka bulshada intaba waxaanan aaminsanahay in ay cayaaraha gobolada ahaayeen gundhiga horumarka cayaaraha dalka. 

Cayaaraha: Maxaad kala kulantay cayaartoydii waawaynaa ee kooxda markii laguu magacaabay Serie A da in aad ka mid noqonaysid? Kalsooni intee le’eg ayeyse kugu qabeen? 

Cabdixakiim Dheere: Sxb walaahay marka aad koox ku cusub tahay waad garan karaysaa in xifaaltan jiro sidoo kalenaaad dhexda ka galayso tartan xaga boosk aad rabto in aad ka cayaarto awoodaada oo dhanna soo ban dhigayso, hadana kooxda Batroolka waxay ahayd kooxda kaliya ee aan aqoon gurub guruub ama u qaybsanayd qaybo iska soo horjeeda sida lagu arki jiray kooxihii dalka, waxaana ay taasi ii fududaysay in aan si degen ula qabsado kooxda iskuna barano cayaartoydii kooxda kuwoodii waawaynaa ee cayaaraha ka sii baxayeyna waxaan kala kulmay soo dhawayn aad u saraysa. Kooxda markii aan imiba waan la qabsaday oo isla jaan qaadnay aadna way iigu kalsoonaayeen oo kaalin ka dhimanayd ayaan u buuxiyay. 


Cayaaraha: Kooxda Batroolka waxaa lagu tilmaami jiray koox uu macalinkoodu Maxamed Budiiste yahay mid mayal adag isla markaana horumar badan gaari lahayd haddii macalin kale joogi lahaa ka cayaartoy ahaan ma qabteen fikirkaas oo kale mise taageerayaasha oo kaliya ayuu ku koobnaa? 

Cabdixakiim Dheere: Arintan macalinka ee aad ka dhawaajisay anigu run ahaantii ma qabin oo macalin Budiiste waxa uu ahaa macalin aad u fiican waayo waxaad ka garan kartaa kubadda aanu ciyaari jirnay iyo ciyaartoydii uu soo saaray. Macalin waliba oo dalka joogay waxa uu lahaa waxyaabo ama dhaqamo u gooni ah ee lagu yaqaanay macalinkeenuna kuwaasi waxba kama duwanayan aad ayaanan ugu ixtiraami jirnay dhaqankaasi ka cayaartoy ahaan anagoo u aragnay in ulajeedkiisa ugu wayn uu yahay horumarinta kooxdan.

Cayaaraha: Cayaartaadii kuugu horeysay kooxdee la cayaartay maxaadse ka xasuusataa sidii ay ahayd niyadaadu markii aad garoonka galaysay, maxaa kuugu adkaa oo aad galabtaas la kulantay? 

Cabdixakiim Dheere: Cayaartaydii igu horaysay waxaan la ciyaaray naadigii Waxool, waxaana ka soo galay cayaarta gadaal ama bedel, xaqiiqdiina halkan kuma soo koobi karo niyadaydu siday ahayd iyo farxaddii aan dareemayey galabtaasi waxaana garoonka aad u soo galay dhalinyaradii xaafadda iyo saaxiibadaydii oo ayagu mar un islahaa arka kulankayga ugu horeeya. Sawaxanka iyo sacabka taageerayaasha waxaad moodaa in ay dhagahaaga ka dhex qaylinayaan, farxada iga muuqatay waa wax aanan halkan ku cabiri karayn. 

Waxaa iigu adkayd galabtaasi oo aan ku cusbaa garoonka qaab-cayaareedkii daafaca kooxda Waxool oo ahaa system offside ah oo aan la qabsan waayey dhawr marna galay offside iyo difaaca oo u muuqday niman aad u dhisnaa xaga jirka.


Cayaaraha: Mudadii aad ka mid ahayd kooxda Batroolka waxaad la kulantay cayaartoy magac ku leh kooxda iyo kubada cagta dalka guud ahaan maxaad ka xasuusataa dhaqamadii wanaagsanaa ee cayaartoydaasi iyo sidii ay ula dhaqmi jireen kuwa ka yaryar? 

Cabdixakiim Dheere: kkk maxamuud aad baad u mahadsab tahay, dhaqamada wanaagsan ee aan aad u xasuusto isla markaana aan ka bartay kubadda cagta iyo kooxdii Batroolka ayaa waxaa ka mid ahaa ixtiraamka iyo kala dambaynta cayaartoyda, waxaan had iyo goor ixtiraam u hayey una hayaa ilaa iyo hadda ciyaartoyga iga wayn ama igaga soo horeeyay garoonka oo aan u arko walaal iga wayn halka kuwa yar yarna ay u ayaguna u arki jireen walaalkood ka yar, waxaanan oran karaa anigoon kala magacaabaynin cayaartoydii aan ku gaaray kooxdaasi ee nooga horeeyey waxay dhamaantood ahaayeen dad sharaf iyo qiima badan u haya da’yarta kooxda ku soo biiraysa. 

Cayaaraha: Kooxaha kale ee dalka kooxdee ayaad aad uga cabsan jirteen koox ahaan adiguse kooxdee ugu necbayd in aad ka hortagto, maxayna ahayd sababtu? 

Cabdixakiim Dheere: Koox ahaan waxaanu aad uga cabsan jirnay kooxda Horseed oo ahayd koox awood badan isla markaana haysatay cayaartoy farsamo leh laakiin anigu shaqsi ahaan waxaan si aan caadi ahayn u necbaa kooxdii Waxool waayo difaacooda ayaa ahaa mid aad u adkaa ayna adkayd in la jabiyo. 


Cayaaraha: Kooxaha dalka oo idil aad ayey uga cabsan jireen ugana welweli jireen weerarka kooxdiina Batroolka oo lagu tilmaami jiray kuwa jaanta si wanaagsan iskula hela inkastoo ay dad badani qabeen in ay ku ekayd qancinta taageerayaasha oo kaliya maxaa ugu wacnaa ayaad isleedahay cabsidaasi ay daafaca kooxuhu idinka qabeen? 

Cabdixakiim Dheere: kkk aad ayaad iiga qoslisay sxb, kooxda Batroolku waxay ahayd koox si wanaagsan isula jaan qaadi kartay xili kasta iyo duruuf kasta waxaanan aad isula fahmi jirnay hab cayareedka la yiraahdo one-two (kow-laba) taasoo ay taageerayaasha garoonkau aad u jeclaayeen aanan ku kasban jirnay taageero badan kulan kasta, tan kale ha iloobin kooxda waxaa ku ku jiray xidigii xiligaa garoonka ka muuqday ilaahayna hibo u siiyay kubada wanaag ama farsamo aan caadi ahayn kaasoo ahaa Mukhtaar M. Axmed (Mukhtaar Cuti) iyo garbihiisa oo ay duuli jireen kuwa kale oo ayaguna argagax badan ku abuuri jiray daafaca kooxaha kale laakiin run ahaantii Mukhtaar ayey ahayd sababta ugu badan ee ay kooxuhu nooga cabsan jireen. 

Cayaaraha: Sida aan ka warqabo adiguna aad tilmaantay kooxdiini Batroolka waxaa kabtan u ahaa weeraryahankii caanka ahaa Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo aad ahaydeen saaxiibo aad isugu dhaw dad badanina ku micneeyeey isku dhawaanshihiina in uu lug ku lahaa ka mid noqoshadaada kooxda, maxaa ka jira arimahaasi? 

Cabdixakiim Dheere: Sxb run ahaantii waa run Mukhtaar ayaa sabab u ahaa inaan kusoo biiro kooxda marka la fiiriyo talooyinkiisii wanaagsanaa ee uu iga siiyey kooxda ka hor inta aanan ku biirin iyo waliba dhiirigelintiisii joogtada ahayd mudadii aan kooxdaasi ka tirsanaa, waxaanan aad ugu faraxsanahay kuna faanayaa in aan ku tilmaamo Mukhtaar saaxiib wanaagsan xushmad iyo qadarin badana aan uga hayo ugana mahadcelinayo saaxiibtinimadiisii iyo dhiirigelintiisiiba. 


Cayaaraha: Dad badan oo ka mid ah bahda sport ga kuwooda aanan nasiibka u yeelan daawashada kooxihii hore ee dalka iyo xulkii qaranka waxay is waydiiyaan heerka xirfadeed ee cayaartoydii hore, maadaama aad muddo labaatan sano ka badan ku noolayd Maraykanka iyo Yurub oo aan wada ognahay heerkooda kubadda cagta sidee ku qiimayn lahayn cayaartoydii soomaaliyeed ee xiligaasi xag farasamo ahaan marka aad barbardhigtid cayaartoyda kale ee dunida? 

Cabdixakiim Dheere: Aaad baad u mahadsan tahay Maxamuud anigaba su’aashan marar badan Ayaan kula kulmay dhalinyarada jiilkan oo aan arkin cayaartoydii hore wax badana kala socon farsamnadii iyo qaabcayaareedkoodii intaba, jawaabta aan siiyaana waa ciyaroydii Soomaaliyeed ee xiligaa jiray waxba kama dhicin kuwa caalamka ee hadda jira, guud ahaana waad garan kartaa kubadda cagta dunida isku si ayaa loo cayaaraa laakiin waxaa la isku dhaafay waa xiliga uu cayaaryahanku bilaabo, sida dhaqaale loo geliyo iyo garoomada uu ku cayaar barto intaba hadii dhaqaale iyo garoomo wanaagsan loo heli lahaa cayaartoydeenii waxaan hubaa in aan aduunka wax la qaybsan lahayn. 


Cayaaraha: Xulka qaranka dalkeena iyo kooxihii hore intaba waxaa soo maray cayaartoy aad u xirfad wanaagsanaa dadkuna kala saari la’yahay ama ku kala duwan yahay, ka cayaartoy ahaan yaad ku tilmaami lahayd cayaaryahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara dalkeena maxayna tahay sababta aad ku xulatay? 

Cabdixakiim Dheere: Run ahaantii waa suaal adag laakiin waxa aan isku dayayaa inaan ka jawaabo, aniga ahaan xiligii naga horeeyay waxaan u arkaa Siciid Ducaale inuu ahaa waayo ducaale kubadiisu aad ayay uga sareeysay ta cayartoyda kale ama xiligayagiina waxaan isleeyahay Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) in uu ninkii ugu xirfadda sareeyey kubadda cagta dalkeena, wuxuu ahaa nin xirfadiisu aad cajiib u ahayd daafacana garbaha ugu gooya oo mid iyo labo aan aqoon markuu kubadda qabsadana khal kahl badana ku abuuri jiray daafaca kooxaha kale iyo waliba kuwa dalalka kale intaba. 

Cayaaraha: Adiga Cabdixakiin ahaan daafacee ayuu ahaa kii kuugu adkaa ee aad ka hor tagto iyo waliba goolhayihii ugu wanaagsanaa ee aad ka hortimaado? 

Cabdixakiim Dheere: Daafacii iigu adkaa ee aan ka hor imaado wuxuu ahaa cayaaryahankii Waxool iyo xulkii qaranka Muxiyadiin Camber Qamiis oo ku magic dheeraa Cambar oo runtii ka mid ahaa cayaartoyda tirade yar ee xulka qaranka uga cayaari jiray boos kasta marka uu daafac yahayna ay aad u adkayd in aad gudubto maadaama uu asaga laf ahaantiisu weerar ahaa isla markaana aad u fahamsanaa qiyaamooyinka weerarka, dhinaca goolhayeyaasha waxaa iigu adkaa goolhayihii qaranka iyo kooxdii Badda Joorje. 


Cayaaraha: Cayaartoy kasta oo kubad soo cayaaray waxaa jirta cayaar uu aad madaxiisa ugu hayo had iyo goor marka adiga koox ahaan cayaartee kuugu fiicnayd xusuustaada oo aad uga hortagteen kooxihii kale ee dalka, maxayna tahay sababta aad u xasuusato?

Cabdixakiim Dheere: Cayaartii iigu xasuusta wanaagsanayd waxay ahayd ciyaar aan kaga nor nimid kooxdii D.Hoose kana tirsanayd tartankii horyaalka, waxaa kaloo taa dheerayd in daawashada cayaartan ay joogeen madax badan uu ku jiray AUN madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre, waxaa dhacday markaa in rigoore loo dhigay kooxdaydii Batroolka ciyaarta oo 0-0 ah daqiiqadii 70 ka dibna ay ka baqeen cayaartoydii waawaynayd ama kooxda igaga soo horeeyay, kubaddii Ayaan anigu qaatay oo aan dabadeedna si qurux badan u dhaliyay. Ciyaartiina waxa ay guushii nagu raacday goolkaas aan u dhaliyey kooxdayda sababta aan ay maskaxdayda uga go’i la’dahayna waxay tahay in aan naadigan soo maray Batroolka ka hor xifaaltan badana naga dhexeeyey cayaartoyda.

Cayaaraha: Batroolka mudadii aad ka tirsanayd waxaad la kulantay cayaartoy aad u fara badan runtiina farsamadooda iyo awoodoodu kala gedisan yihiin ma jiraa cayaartoy aad jeclayd xirfadooda isla markaana ay had iyo jeer garoonka kugula jiraan? 

Cabdixakiim Dheere: Haa Maxamuud inkastoo aan cayaartoyda oo idil aan jeclaa mid waliba oo garabkayga jooga hadana marka aan la duulayo Mukhtaar, Daysane, Jubba, Falcoa, C/Casiis Cali Diiriye, Aways Xaaji iyo Cusmaan Xasan waxay ahayd maalmo aan kalsooni badan ku qabay in sacab iyo farxad badan aan ka heli doono taageerayaasheena. Dhinaca kale cayaartoyda aanan isku kooxda ahayn balse aan jeclaa in aan la cayaaro ayaan ka xusi karaa Khaliif Riko, Cabdi aaden, Sakariya, Cambar, Muriidi, Saciid Cayrow, Axmed Cabbaas iyo Jamaal Qaldaan. 

Cayaaraha: Dad badan ayaa qaba eedayn ah in cayaartoydii hore ee dalka aysan ka soo bixin kaalintii laga filayey in ay ka qaataan horumarka sport ga dalka gaar ahaan kubadda cagta mala qabtaa fikirkaas maxaadse isleedahay way ugu wacan tahay haddii ay jirto eeddaasi? 

Cabdixakiim Dheere: Waa run, runtiina waa suaal in badan soo noqnoqotay, horta kala yaacii wadanka ninba meel buuu ku dhacay oo wadan cusub iyo nolol cusub baa la galay, qaar xaas iyo caruur bay ku mashquuleen qaarna shaqo iyo sidee nolol u samaysataa ayay ku mashquuleen iyo sidee ula qabsataa qurbaha intii lagusii jeeday duruuftaa ayay waxay gabeen kaalintii ay kaga aadanaayeen sportiga dalka, markasaa waxaa meel cidla ah ka helay jiil cusub oo aan sporti ahayn. 

Hadda markii waagii ku baryayna oo ay doonayaan inay u soo jeestaan inay wax hagaajiyaan ayaa waxaa dhacday in la iska fogeeyay dhamaan ciyaartoydii hore oo dhan mid qabiil lagu riixo iyo mid si kale loola dagaalamo ayay noqdeen, waxaa kale oo aan aad ula yaabaa niman kubada cagta ah oo reer Basketball maamulayaan amah or boodayaan. 

Hadal iyo dhamaan sida kaliya ee wax lagu horumarin karaa cayaartoydii horena kaalinteeda uga qaadataa waa in aynu kooxo aynu maal galino oo wadanka ka dhisan samaysanaa una dhiibnaa cayaartoydii hore ee wadanka joogta si ayaguna ay biilashooda ugu maareeyaan cayaartoy da’yarna u soo saaraan, waa hadii la inaga yeelo oo la helaa dad sporti ah oo wasaarada ka hawl gala, aniga taa ayaa xal iila muuqata waa run haday taasi jirto oo loo soo bandhigay inay gabeen kaalintoodii wadanku dad aqoon leh waaya aragna ah ayuu u baahan yahay.

Cayaaraha: Ma xasuusan kartaa isku gayn inta gool oo aad dhalisay xiligii aad cayaaraha ku jirtay goolkeese aad ugu jeceshahay goolashaadii maxayse tahay sababtu? 

Cabdixakiim Dheere: Waxaan dhaliyey marka la isku geeyo goolashaydii oo dhan 29 gool mar goolkaan ugu jeclaa wuxuu ahaa gool aan ka dhaliyay naadiga Muqdisho oo aan 1-0 kaga badinay cayaartaas oo ahayd cayaartii kaliya ahayd ee kooxdan Muqdishu laga adkaado tartankaas. 

Cayaaraha: Waxaan xasuustaa in cayaaryahankii Mukhtaar Maxamed Axmed oo aad isku kooxda ahaydeen uu inta badan raaci jiray hadba kooxdii qaada horyaalka ama koobka J daa’uud si uu uga caawiyo weerarka mark aka koox ahaan side loo arkayey laacibkaasi kooxda halbawlaha u ahaa ee hadana cayaaro dheeri ah u cayaaraya kooxo kale inkastoo ay wax caadi ah dalka ka hayd, macalinkuse maku faraxsanaa mise waa ka soo horjeeday? 

Cabdixakiim Dheere: Walaahi markaan kaaga waramo dhinaceena ka cayaartoy ahaan aad Ayaan ugu faraxsanayn in Mukhtaar uu raaco hadba naadigii u baahda caawimaaddiisa dhinaca kale asaga Mukhtaar ahaan waxay u ahayd wax caadi ah ka saaxiib ahaana waxaan ogaa in uu aad ugu faraxsanaa in uu raaco kooxahaas macalinkuna waxba kama qabin oo caado ama dhaqan wadanka ka jiray ayey ahayd arintaasi. 


Cayaaraha: Sida aan la socono waxaa mudddo yar oo sanad ah aad la joogtay kooxda Jeenyo maxaa keenaay in aad kooxdaasi tagtid ka hor inta aadan dalka ka soo dhoofin? 

Cabdixakiim Dheere: Waa runtaa Maxamuuud waxaan muddo sanada ah 1987-88 la joogay kooxda Jeenyo waxaana ay arintani ku dhacday ka dib markii asxaabtii iyo laacibiintii kooxda Batroolka ee aan waqtiga wanaagsan isla qaadanay ay dalka ka tageen aniguna aan is iri bal tijaabo koox kale waxaana alle igu guuleeyey in mudadii yarayd ee aan kooxda la joogay aan ku guulaysanay koobka Jeneral Daauud oo aad la socoto in uu ahaa koobkii labaad ee ugu qiimaha badnaa dalka. 

Cayaaraha: Burburkii dalka ka dib waxaad tagtay dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto halkaasoo aad ka sii waday in muddo gaaban ah cayaartii kubadda cagta maxaad isleedahay way ku kala gedisanaayeen kooxdii Batroolka iyo kooxdii jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada? 

Cabdixakiim Dheere: Xaqiiqdii Canada waxaanu isku helay cayaartoy badan oo dalka ka soo cayaaray cayaarihii heerka koowaad ka dibna talo iyo abaabushe badan koox ayaanu samaynay aanu ugu magac darnay Banaadir waxaanan durbadiiba bilownay in aan ka qaybgalno horyaalkii hoose ee magaalada Toronto, khaladaad badan ayaa dhacay maadama aanu wadanka ku cusbayn balse ka dib guulo badan Ayaan gaarnay meel fiicana waanu ka gaadhnay inkastoo ay nagu adkaatay in aan helno ganacsato na maalgeliya ama (sponsorship) na siiya, kadibna tartamadii ayaanu sidaasi uga hadhnay. 


Dhinaca kala duwanaanshaha waxaa u dhexeeya farqi aad u wayn oo kooxina waxa ay ahayd koox dhisan leh dhaqaale ay wasaaradi u qorshaysay, garoon ay ku tababarto iyo horyaal ama tartamo kale oo ay joogto uga qaybgasho balse kooxdii Toronto waxa ay ahayd koox ay jaaliyadi maamusho dhaqaale lahayn maamul iyo kala dambayn badana aysan jirin inkastoo dadaal badan jiray.

Cayaaraha: Wali waxaad ku guda jirtaa kubadda cagta waxaadna wax badan ka qabatay muddadii aad joogtay gobolka Sanaag horumarinta kubadda cagta ee gobolkaasi maxaad isleedahay way hortaagan tahay horumarka sport ga Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kan Somaliland? 

Cabdixakiim Dheere: Maxamuud ka dib ku soo laabashadaydii gobolka Sanaag waxaan aad u jeclaaday dhaqdhaqaaqa cayaareed eek a socda gobolka iyo sida ay dhalinyaradu u jecel yihiin cayaaraha kala gedisan aniguna maadaama aan ahayn nin uu dhiigiisu ku shaqeeyo kubadda cagta waxaan isku dayey in aan ka gaybgalo dhiirigelinta dhalinyaradaasi inkastoo ay jiraan farqi badan oo ka dhex jira maamulada cayaaraha ee dalka iyo dadka ayagu jecel in ay isbadal ku sameeyaan cayaaraha guud ahaan. Isku soo wada duuboo wali kama dhex bixin cayaarihi waxaanan hadda ku layliyaa magaalada Ceerigaabo caruurta ay da'doodu u dhaxayso 8 jir ilaa iyo 12 jirada. 

Dhinaca kale waxaa hor taagan horumarka cayaaraha aqoon la’aan, xiriiro la’aan ama haddii ay jiraana ay yihiin kuwa ay hogaamiyaan dad aan aqoonteeda lahayn, sidoo kale maamulkii cayaaraha oo gacanta ub galay dad isleh dhaqaale ka hela halkii aan anagu ogayn in dhaqaale lagu bixiyo iyo qaad xili kasta yaala oo la cunayo waxaanan isleeyahay waa looga bixi karaa in la helo dawlad fahansan ciyaaruhu faaiidada ay bulshada u leeyihiin iyo in dhalinyarada laf ahaantooda looga wacyi geliyo faaiidada cayaaraha iyo waliba ganacsato ayaguna u arka in cayaaruhu yihiin fursad ganacsi oo ku dhiirada intaba. 


Cayaaraha: Ugu dambayntii Cabdixakiim adiga oo ka faaiidaysanaya fursaddan qaaliga ah yaad halkan ka salaamaysaa? 

Cabdixakiim Dheere: Waxaan ugu horeyn halkan ka salaamayaa hooyaday aan aadka u jeclahay, walaalahay iyo caruurtooda, dhamaan cayaartoydii hore ee dalka yar iyo waynba, taageerayaashaydii naadiga Batrooka iyo kuwa G.Sanaagba iyo saaxiibkayga fursadan qaaliga ah i siiyay Maxamuud Ismaaciil Xasan oo ah tifatiraha shabakaddan (Cayaaraha.com) oo ah tan aruurisa xogta iyo aqoonta cayaartoydii, maamuladii iyo qubaradii cayaaraha dalka.



Print Bookmark and Share

Return to previous page