Article Details

Tartanka ciyaartooyda ay da’dooda ka yar tahay 17-ka sanno oo lagu dhawaaqay xilliga uu bilaabanayo.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/9/2015 | Views: 462
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay goorta uu furmayo tartanka xiddigaha ay da’dooda ka hooseeyso 17-ka sanno, ciyaartooyda tartanka ka qeyb galeyso ayaa waxa ay yihiin da’yarta sideed koox oo ka mid ah heerka koowaad.
Ku simaha guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiino), ayaa ku dhawaaqay xilliga uu furmayo tartanka, waxana uu sheegay inay noqon doonto 25-ka bishan September, oo ku beegan maalinta Jimcada ee soo socoto.
 
“Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta, waxa uu tartanka ugu talagalay inay ka faa’ideestaan ciyaartooy aan nasiibka u yeellanin tartamada kale ay qabtaan xiriirka, waxa uu noqon doonnaa mid aan qaban doonno sannad walba, hadda waxaan ku bilaabeeynaa midka ay ka qeyb galayaan xiddigaha da’dooda ay ka hooseyso 17-ka sanno, ka qeyb galkiisa waxaa hadda diyaar u ah siddeed koox, iyadoo aan ku rajoweynahay inay kordhaan sannadaha soo socda, tartanka waxa uu qeyb ka yahay horumarinta kubbadda cagta oo aan had iyo jeer ku howlanahay..” Cali Shiino, ayaa warkan ka sheegay xilli uu shir guddoominayay shirka guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta.
 
Kooxaha tartanka ka qeyb galayo ayaa loo qeybiyay min afar koox kuwaas oo isku arki doonno heerka Group-yada, waxana ay kala yihiin:- Group A Heegan, Saxafi, Elman iyo B.S.Club. Group B Gaadiidka, Dekeddaha, Horseed iyo Jeenyo.
 
Maalinta Jimcaha ayaa tartanka waxaa lagu furi doonnaa Heegan iyo Banaadir Sports Club. tartankan oo ku soo biiray tartamadii hore ee xiriirka loogana gol leeyahay in naadiyadu yeeshaan kooxo junyar ah.
 
By: Omar Ibrahim Abdisalam 
Somali Football Federation Media Department 
Email: omar.ibrahim@somsoccer.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page