Article Details

Soomaaliya Oo Ka Qeyb gashay Shirwauana Xiriirka Doomaaha Caalamka +Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 12/9/2015 | Views: 406
Xiriirka Soomaliyeed ee Doomaha ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Xiriirka Doomaha Caalamka oo lagu qabtay Magaalada Chamberye, France., waxaan Soomaaliya uga qeyb galay Guddoomiyaha xiriirka doomaha Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd iyo kaaliyahiisa Liibaan Nuur.
Shirka oo soconayay 4-ilaa 9 September waxaa looga hadlay horumarinta Afrika iyo Agendaha 2020 waxaana kasoo baxay qodobo miro dhal ah oo ay ka mid tahay in Afrika loo caawiyo qaab gobolaysi ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay CECAROCAF oo ah xiriiradda doomaha ee Bariga & bartamaha Afrika.

Madaxda Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa shir la qaatay Guddoomiyaha Xiriirka Caalamiga Jean-Christophe Rolland iyagoo ka la hadlay sidii uu qeyb uga qadan lahaa dib u eegis laghu samaynayo dastuurka Afrika ee Xiriirka Doomaha Bariga afrika kagu guulaystay in Madaxa Afrika Khaleed Zein la faray in uu arinkas u dhaqaaqo.

Guddoomiyaha Xiriirka Doomaha Soomaliya Saciid Maxamed Maxamuud Xeyd isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Doomaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa kulamo gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Olombikada Adduunka (IOC) Mr THOMAS BACH iyo wasiirka isboortiga ee dalka Austria waxayna ka wada hadleen sidii Soomaliya looga caawin lahaa horumarinta ciyaaraha Doomaha, waxa uuna kulankoodu ku soo Dhamaaday isafgarad.

Xiriirka Soomaaliyeed Doomaha ayaa Horumar la taaban karo ka sameeyay ciyaaraha Dibada, Iyadoo guddoomiyaha xiriirkaas Saciid Xeyd uu guddoomiye ku xigeen ka yahay isla markaana uu xubnaha ugu firfircoon ku jiro.

WD/: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Print Bookmark and Share

Return to previous page