Article Details

Horyaalki 6-aad kubadda Gacanta Gabadhaha Soomaaliya oo Muqdisho ka furmay

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 11/9/2015 | Views: 516
Horyaalki 6-aad Gabdha kubadda Gacanta ayaa ka furmay garoonka Wiish, waxaana xafladda furitaanka kasoo qeyb galay  Masuuliyiin ka socototay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, Madaxda Xiriirada, Kubadda Kolayga, ciyaaraha Fudud , masuuliyiinta Xiriirka kubadda Gacanta iyo  dadwynaha Jecel ciyaarta kubadda Gacanta.
Guddoomiyaha XIriirka kubadda Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow oo xalfada ka hadlay ayaa u mahad celiyay kooxaha kubadda Gacanta ee u soo diyaar garoobay tartanka iyo Juhdiga ay kusoo bixiyeen ka qeyb galka tartanka.

Guddoomiye Eenoow ayaa inta ku daray in xiriirkiisu ay si joogta ah u qabtaan ciyaaraha kubadda Gacanta Gabhaha ayna ballarin doonaan ciyaraha gabdhaha si loo helo ciyaartoy tayoleh oo xulka qaranka u cayaara.

Madaxa Xiriirada Gos Xaaji Maxamed Axmed Colow oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Gos ay soo dhaweynayso dadaalka xiriirka kubadda Gacanta waxuuna kula dardaarmay in ay ballaariyaan tartamada ay qabtaan si loo helo Ciyaartooy tayo leh oo heer qaran noqda.

Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha waaxda Isboortiga ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga Cabdullaahi Aaboow Xuseen waxuuna sheegay in wasaaraddiisa ay hambalyanayso xiriirka kubadda Gacanta oo fursadda ugu Ballaaran gabdhaha ay ka helaan ciyaraha guddaha iyo dibadda intaba ka qeyb gala waxuuna ku booriyay in ay halkooda kasii wadaan dadaalka wasaaraduna ay garab taagan tahay xilli kasta.

Kulanki furitaanka horyaalka oo ay ku kulmeen Kooxaha Heegan iyo Gaadiidka waxaa 17-4ay guusha ku raacday Gabhaha Heegan oo tartanka difaacanaya


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page