Article Details

Xulka Qaranka Kubadda Cagta Oo Dadlka Ka Amba baxay Yaa Safray Yaase Laga tagay. (Sawiro)

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 8/9/2015 | Views: 516
Xulka qaranka kubaddda Soomaaliya ayaa maanta ka ambaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Magaalaa Muqdisho iyagoo kusii jeeda Magaalaa Adis- Ababa ee Dalka ethiopia oo ay ku ciyaari doonaan lugta hore ee isreeb reebka koobka aduunk sanadka 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.
Wafdiga maanta dalka ka amba baxay dalka waxaa hogaaminayay Yaxye Maxamuud Abuukar ( Yaxy Aayoow) oo Ka mid ah guddiga Fulinta xiriirka kubadda cagta waxaana ku wehliyay 18 ciyaaryahan iyo 3 Macalin waxaana kusoo biiri doona laba ciyaaryahan oo dalka ka uga soo biiri doona xulka iyo 4 ciyaarahan oo qaaradda yurub ka ciyaara oo xullka u ciyaari doona sida uu saxaafadda u sheegay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Cabdiqani Saciid Carab.

Halkan Ka Aqriso Liiska Ciyaartoydad loo mgacaabay in ay xulka matalaan ayaa kala ah

Goolhayaasha : Xasan Ibraahim Cali , Mustaf Khaalib Xuseen,

Daafac : Xasan Cali Rooble, Cabdikariin Nuur Abuukar, Siid Cali Baana Xaaji, Xamsa Maxamed Muqtaar, Cabinaasir Yuusuf Axmed , Xasan Xuseen Maxameed, Saadaam Cabdullaahi Gaab.

Qadka DHexe: Cabdikariin Cabdalla Maxamuud ( Qubaaye) , Cusmaan Yuusuf Xaajoow,Cabaas Amiin Cali,Sidii Maxamed Cumar, Mahad Muxudiin Xaaji, Daadir Amiin Cali, Cabdiqani Maxamuud Buulle Abgaalow,

Weerarka : Sacad Saalax Xuseen, Bile Muxudiin Buraale iyo Maxamed Cali Ibraahim.

Macalinka Xulka Mbabazi Charles , Macalinka Labaad Saalax Faarax Muxudiin,

Macalinka Goolhayayaasha Magala Jamaes .

Xulka qaranka ku dhawaad 3 bil diyaar garow ugu jiray ciyaarahan ayaa muddo Bil ah tababar ku qaadan doona dalka Ethiopia waxayna lugta koowaad ee isreebreebka koobka aduunka 2018 kula ciyaari doonaan dalka Niger, iyadoo lugta labaad 13 Oktoobar kula ciyaari doona Magaalada Niamey ee dalka Niger.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page