Article Details

Madaxa XSCF oo ka warbixisey Shirweynihii & Ciyaarihii Caalamiga ahaa ee IAAF.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 8/9/2015 | Views: 392

Xiriirka Cayaaraha Fudud ee dalka waxaa uu ugu horeeyaa xiriirada dalka ee Calanka Soomaaliyeed badanaa geeya fagaarayaasha caalamka marka ay timaado ka qeybgalka tartamada ciyaaraha fudud iyo sidoo kale shirarka caalamiga ah.

Masuuliyiin iyo Ciyaaryahano kasocda Soomaaliya oo ay hogaamineyso Gudoomiyaha XSCF Marwo Khadiijo Aaden Daahir ayaa dhowaan dalka dib ugu soo laabtay iyagoo kasoo qeybgalay Horyaalkii Ciyaaraha Fudud ee Caalamiga iyo Congress-kii 50-aad ee Xiriirkaasi oo ka dhacay Magaalaba Beijing ee dalka Chine.

Khadiiijo Daahir oo Garoonka Diyaaraha Aden Cadde kula hadashey Warbaahinta markii ay dib usoo laaabteen ayaa sheegtay in Kulanka iyo Tartankaasi uu ahaa mid si weeyn loo soo agaasimey ayna kasoo qeybgaleen dhamaan ciyaaryahanada qeybaha ciyaaraha fudud ee caalamka ugu caansan.
“Runtii waxaanu inagga Soomaaliya ahaan halka ku tagnay Wafdi aan Hogaaminaayey uuna kamid ahaa Gudoomiye ku xigeen C/Qaadir Caraalle, masuuliyiin kale iyo ciyaartoy inooga qeybgalay qeybta Orodka 5000M. guul ayuuna kusoo dhamaaday”

“Waxaa halkaasi lagu qabtey ugu horeeyntii Shirweynihii 50-aad ee Xiriirka Ciyaaraha fudud caalamka oo ay kasoo qeybgaleen dhamaan dalalka xubnaha ka ah IAAF oo Soomaaliya ay qeyb ka ahayd,waxaana lasoo bandhigey wax qabadkii iyo dib u dhicii xiriirka sanadihii lasoo dhaafey, iyadoo kadib la guda galay Ajandaha Doorashada Gudoomiyaha oo ay u tartamameen Gudooyihii xilka hayey ee Sergey Bubka iyo Ninka Enland u dhashey ee Lord Coe halkaa oo 115 Cod guushu ku raacdey Coe oo hore gudoomiye ku xigeen soo noqdey sidaana kaga guuleystay 82-sano jirka Senegal Lamine Diack, oo helay 92 cod kaasoo 16 sano maamulayey IAAF” sidaa Marwo Khadiijo ayaa saxaafadda u sharaxday.
Marwo Khadiijo ayaa sidoo kale xustey in halkaa ay kulamo gaar gaar ah kula yeesheen Masuliyiinta Xiriirada Ciyaaraha fudud dalalka caalamka qaarkood waxaana ay kala hadleen xaaladda Ciyaarayaha fududee Soomaaliya iyo sida ay kusoo shaqeeynayey waqtiyadii bur burka dalka uu ku sugnaa iyagoo ku balamay iskaashi iney ka yeeshaan howlaha Horumarinta Ciyaaraha Fudud.
Madaxa ugu sareeya XSCF ayaa ugu danbeyntii waxaa ay Hambalyeeysay Ciyaaryahanka Magaca Soomaaliya uga qeybgaley ciyaarahaa ee Suleymaan Cabdulle Borai oo dadaal xoogan sameeyey isla markaana markii ugu horeeysay sanado badan kadib sababay in Dhibcihiisa lagu qoro Boorka Diiwaanka ee IAAF, sidoo kale waxay Hambalyeeysay Xidiga Soomaaaliyeed ee Britain u orda ee Maxamed Faarax oo Record halkaa ka sameeyey,iyadoo Bulshada Soomaaliyeed la qeybsaneysa Farxaddaasi.


C/Xafiid C/Samad Zaciimka
Cell Phone: +25261-5517722
Zaciimka02@hotmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page