Article Details

Tartan cayaareed lagu soo gabagabeeyey waqooyiga London.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 5/9/2015 | Views: 456
Tartan kubadda cagta ahaa oo ay ku loolameen sideed kooxood oo ka mid ah kooxaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladan London looguna tala galay dhainyarada reer London xiliga fasaxa dugsiyada waxbarashada ayaa dhamaadkii usbuucii tagay lagu soo gabagabeeyey garoonka White Hart Lane ee waqooyiga London.
Tartankan oo ay fikirkiisa, qabanqaabadiisa iyo maalgelintiisaba ay isk kaashadeen bahwaynta sport ga ee Waqooyiga London ayaa waxaa gabagabdiisii ka soo qaybgalay odayaasha sport ga ee magaaladan London, cayaartoy hore, madax ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya, madaxda xaafadaha waqooyiga London qaarkood iyo martisharaf fara badan oo lagu casuumay xiritaanka tartankan oo socdau muddo usbuuc ah.

Dhamaan madaxdii iyo martisharaftii ka soo qaybgashay xiritaankii tartankan ayaa waxa ay aad u booriyeen ugu mahadceliyeen dadkii ka soo shaqeeyey qabsoomidda tartankan xili magaaladan London oo tira badan oo bahda sport ga ahi ku dhaqan yihiin u muuqatay mid aan wax cayaara ahi ka dhici doonin balse ay reer waqooyiga London ka badbaadiyeen dhamaan bahdan magic xumo soo gaari lahayd.

Sidoo kale bahda sport ga ee waqooyiga London ayaa dhinacooda u mahadceliyey madaxdii iyo martisharaftii ka soo qaybgashay mudadii uu socday tartankan iyo waliba bahwaynta sport ga waqooyiga London iyo ganacsatadoodaba oo gacan balaaran ka siiyey qabsoomidda tartankan.

“Waxaan aad iyo aad ugu mahadcelinaynaa ganacsatada waqooyiga London iyo asxaabta sport ga oo aan u kala harin sidii aan tartan ugu qaban lahayn dhalinyarada London maadaama ay dadkii horey u qaban jiray tartamada khilaafyo baahay dartiis ugu guuldaraysteen in dalkan oo ay ka dhisan yihiin in ka badan boqol kooxood oo soomaali ah ku qabtaan tartan, waxaanan ku boorinaynaa bahwaynta sport ga UK in ay ku midoobaan sidii dalkan looga hirgelin lahaa hal tartan oo xiliyada fasaxa loo qabta ubadka Soomaaliyeed taasoo magac iyo sharaf ba u soo hoyn karta ayaga isla markaana dhalinteena ka badbaadin doonta waxyaabaha xun xun ee ay ku dhici karaan xiliyada laga nasanayo waxbarashada” ayuu yiri Daahir Ciise Bulxan oo lafdhabar u ahaa guddigii qabanqaabada ee suura geliyey tartankan.

Labada kooxood ee North London Stars iyo Jubba FC oo isugu soo haray cayaartii kama dambaysta ahayd ee tartankan ayaa waxa ay soo bandhigeen cayaar aad loogu riyaaqay waxaana ay isku mari waayeen barbardhac ayadoo ka dibna ay rigoorayaal guushii ku raacday kooxdii ku cayaaraysay magaca North London.



Print Bookmark and Share

Return to previous page