Article Details

Xulka Qaranka ciyaaraha Fudud oo Ka qayb galaya Ciyaaraha All African Game+Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 2/9/2015 | Views: 448

Ciyaartoyda Xulka qaranka ciyaaraha fudud ayaa maanta ka garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyaoo kusii jeeda dalka Congo oo ay uga qeyb galayaan ciyaaraha All Afriacn Games 2015, waxaanawafdiga hogaaminaya wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinayarda iyo isboortiag Cusmaan Aadan Dhuubow. 

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Ciyaartoydan xereeyay bishii January ee sandkan waxayna tabbar qaadanayen sideedi bilood ee lasoo dhaafay.

Ciyaartoyda ayaa kala ah Axmed Xuseen oo u tartamaa 800 iyo 1500 mtr Cali Iidow 5000 iyo Maryan Nuux oo u tartamaysa 800.

Ka hor Inta aysan amaba bixin waxaa xarunta Gos ciyaartoyda kula hadlay guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi , waxuuna u sheegay in laga doonayo dadaal iyo karti dheeri ah, ciyaaro wanaagsana ay soo bandhigaan.

" Ujedka Gos waa sidii lagu heli lahaa ciyaartoy da'yar tayadooduna ay wanaagsan tahay ," ayuu guddoomiye Tarabi hadalkiisa ku sii daray.

Cali Iidoow oo 5000 mtr ku tartamaya ayaa ah da’yar ay Gos kasoo xushay tartanka dugsiyada 2014 waana qayb ka mid ah dadaalada ay Gos ku doonayso in ay ku soo saarto ciyaartoy mustqbal leh.

Ciyaartoyda Xulka qaranka Ciyaaraha Fudud ayaa ka qeyb gali doona Ciyaaraha All African games ka oo 4ta bisha September ka bilaaban doona Brazzaville ee Dalka Congo.


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department

 

 

 

Print Bookmark and Share

Return to previous page