Article Details

Koob lagu xusayey halyey Faarax Sindiko oo ka dhacay London. (Sawiro)

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 31/8/2015 | Views: 497
Tartan kubadda cagta ahaa ayna ku loolamayeen cayaartoydii cuslaatay eek u dhaqan magaalada London ee cariga Ingiriiska lagu xusuusanayey aabihii cayaaraha dalka Faarax wehliye Caddow (Sendico) ayaa shalay lagu qabtay xaafadda Streatham ee koonfur-Galbeed London.
Kulankan oo isugu jiray cayaaro ay ku tartameen kooxo lix ah kana kala yimid daafaha magaalada London iyo casho sharaf aad loo agaasimay oo daba socotay ayaa waxaa soo agaasimay isla markaana iska lahaa fikirkan suuban cayaarayahankii hore ee naadiyadii Madbacadda iyo horsed Axmed Maxamuud (Abaliisha) oo gacan ka helaya bahwaynta sport ga ee xaafaddaasi Streatham.

Cayaaro aad u xiisa badnaa laguna soo bandhigay farsamo iyo waaya-aragnimo badan ayaa waxaa tartankii isugu soo haray kooxaha Streatham iyo Wembley waxaana ay guushii halkaasi ku raacday kooxdii ka socotay galbeedka London ee Wembley oo ayadu horey ugu guulaysatay koobaba badan oo loo dhigay cayaartoydii cuslaatay.

Casho sharaf agaasinkeeda oo kale aan horey loogu arag magaaladan oo daba socotay tartankan ayna goobjoog ka ahaayeen tiro badan oo ka mid ah cayaartoydii berisamaadkii ee kubadda cagta dalka, odayaal sport oo magic wayn ku leh bulshada, garsoorayaal iyo bahda sport ga UK ayaa waxaa halkaasi laga soo jeediyey taariikhdii halyeygan Soomaaliyeed Faarax Wehliye Caddo woo runtii kaalin aad u wayn ka soo qaatay horumarinta sport ga dalka kana gaaray heerkii ugu sareeyey ee shaqsi Soomaaliyeed ka gaaro maaamulka sport ga adduunka.
Garsoore C/Qaadir Caddaay oo uu macalin iyo hogaamiyeba u ahaa Faarax ayaa si qoto dheer uga hadlay kaalimihiisii sport iyo heerkii wanaagsanaa ee uu ka gaaray sport ga wuxuuna sheegay in ugu dambayntii uu adduunwaynaha sport gu gaar ahaan kubadda cagtu ay dib u gocdeen hadaladii uu Faarax ka sheegay musuqmaasuqa baahsan ee ka dhex jiray xiriirka kubadda cagta dunida (FIFA) ka dib markii ay sanadkan gudihiisa ogaadeen dhaqdhaqaaq aad u fool xun oo ka dhex jiray FIFA kuwaasoo uu halyey Faarax ogaaday xili aad u fog balse aan laga dhagaysan.

Macalin Laas iyo xiddigii hore ee xulka qaranka kubadda Kolayga Adan Qardhaas oo ayaguna ka mid ahaa wafdigii cayaarahan iyo kulankan uga yimid waqooyiga dalka UK ayaa ayaguna taariikh kooban ka dib halkaasi uga duceeyey halyey Faarax ugu hambalyeeyey bahdii soo abaabushay kulankan fikirkooda wanaagsan.


Xiddigii kubadda cagta ee dalka oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Ismaaciil, Muriidi Abanuur Abati, Daysane, Zakariya Baliile, Faaqid, Bile Cali, Cali Hatley iyo kuwa kale oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayaa dhamaantood waxa ay ku tilmaameen Faarax Sendico shaqsi mudan in la xasuusto bahda kubadda cagtana uu ku leeyahay abaal aysan gudi Karin balse ay ku dadaali doonaan in ay xusaan.

Axmed Abaliisha oo ahaa haldoorkii fikirkan wanaagsan iyo kulankaba oo ugu dambayntii ka hadlay halkaasi ayaa u mahadceliyey kooxihii, odayaashii iyo cayaartoydii hore eek a soo qaybgashay kulankan asagoo dhinaca kalena amaan iyo hambalyo u soo jeediyey bahda reer Streatham oo taageero hiil iyo hooba u muujiyey xusuusta halyey Faarax wuxuuna ugu dambaystii ka codsaday Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed in ay garoonka Banaadir magaciisa ku bedelaan Faarax Sendico Stadium si la mid ah sidii ay Xiriirka K Kolaygu ugu magac dareen garoonkii 21 ka October halyey Aaden xaaji Yabarow Wiish taasoo wax wayn ka tari doonta xusuusta halyey Faarax isla markaana hayn doonta taariikhdiisii sport.

Kulankan iyo cayaarahan ayaa lagu balamay in ay noqdaan joogto sanadle ah ayadoo sidoo kalena ay sanadaha soo socda ka soo qaybgali doonaan cayaartoydii hore iyo kuwa cuslaaday eek u kala baahsan dunida dacaladeeda kuwaasoo qaarkood ayba durbaba balan qaadeen ka soo qaybgalka sanadka dambe haddii alaha awoodda lihi ogolaado.





Print Bookmark and Share

Return to previous page