Article Details

Degmada Waaberi oo usoo baxday Fiinaalka Tartanka Degmooyinka

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/8/2015 | Views: 463
Degmada Waaberi ayaa usoo gudubtay Finalka tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir kadib markii ay guul ka gaartay Degmada Wadajir.
Kulankan oo ahaa kulanki ugu horeeyay wareegga Afar –dhamaadka ciyaaraha degmooyinka ayay laba degmo soo bandhigeen ciyaar aad qurux badan oo ay ladhaceen taageerayaasha labada degmo, waxaana qaybtii hore lagu kala nastay 0-0

Marki Laysku soo laabtay degmada Wadajir ayaa iska qasaarisay fursado badan balse daqiiqadii 81-aad waxaa shabaqa degmada Wadajir soo taabtay ciyaaryahanka No.16-aad ee wegmada Waaberi , Axmed Maxamed Cabdulle kaas oo ciyaarta ka dhigay 1-0 ay hogaanka ku hayaan wiilasha degmada Waaberi.

Degmada Waaberi ayaa sidaas ku hiigsatay kama dambeysta ciyaaraha kubada cagta degmooyinka gobalka Banaadir waxayna sugi doonaan Boondheere iyo Hiliwaa midii soo guulaysta.

Xuseen Hadaafow
Mogadishu-Somalia
Print Bookmark and Share

Return to previous page