Article Details

Man United oo barbardhac 0-0 ay gurigeeda ku gelisay Newcastle.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 22/8/2015 | Views: 438
Xawligii ay Kooxda Manchester United ku bilowday horyaalkan cusub ee Ingiriiska ayaa la hakiyey maanta kulankii ay uga hortagtay kooxda Newcastle ka dib markii ay United ku guuldaraysatay in ay guul ka hesho kulankaasi oo ay 0-0 isku mari waayeen.
Man U oo kulankan ku bilowday dardar iyo weerar aan kala go'lahayn ayaa aysan u suuragelin in ay shabaqa Newcastle la helaan gool inkastoo mid uu gudaha u dhigay gooldhaliyey Wayne Rooney lagu diiday in uu xero ka bax ahaa (Offside).
 
Newcastle oo inta badan waardiye ka haysay goosheeda ayaa dhinaceeda heshay fursad ay gool uga naxsan kareen inkastoo ay birta ku dhacday waxaana sidoo kale daqiiqadihii ugu dambeeyey ee cayaarta asaguna birta Newcastle la helay daafaca Man U ee Smalling.

Macalin Van Gaal ayaa kooxdiisa ku amaanay sida ay u cayaareen koox ahaan inkastoo uu ku dhaliilay in aysan go'aankii saxda ahaa qaadan marka kubadda soo gaarto dhamaystirka waxaana uu cayaartii ay cayaartoydiisu muujiyeen maanta ku tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu wanaagsanaa intii oo kooxda joogay.

Newcastle macalinkooda Steve Maclaren oo asaguna ka hadlay dhamaadkii cayaarta ayaa timaamay in ay fursado ka heleen kulankan ay si lama filaana ah dhibcaha uga qaadan kareen balse aysan ka faaiidaysan wuxuuse dhinaca kale ku amaanay cayaartoydiisa sidii xirfadda lahayd ee ay wadajirka ugu daafacdeen gooshooda.
Print Bookmark and Share

Return to previous page