Article Details

Mo Farah oo ku guulaystay biladda dahabka ah ee orodka 10000m cayaaraha adduunka.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 22/8/2015 | Views: 438
Orodyahanka caanka ah ee Maxamed Faarax una orda dalka Ingiriiska ayaa mar kale ku guulaystay biladda dahabka ah ee orodka 10000m ee cayaaraha fudud ee dunida oo maanta ka furmay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Mo Farah oo horey ugu guulaystay biladahan labada ah ee 5000m iyo 10000M tartankii ugu dambeeyey ee adduunka oo ka dhacay dalka Ruushka sanadkii 2013 kii iyo waliba kii Olimbikada ee London 2012 ayaa ku haminayey in uu dib ula laabto biladahan.

Orodyahanada dalalka geeska Afrika gaar ahaan kuwa Kenya oo tartankan kula jiray Maxamed Faarax ayaa culays badan ku saaray sidii ay banaanka uga dhigi lahaayeen ayadoo laba mar uu ku sigtay in uu kufo waxaase uu orodyahankan 32 jir ka ahi u awood sheegtay reer Kenya wareegii ugu dambeeyey kolkaasoo uu xawaarihii uu caanka ku ahaa dhamaadka tartamada ku dhameeyey orodkan.

Mo ayaa noqonaya orodyahankii ugu horeeyey dalkan ingiriiska oo laba cayaaro adduun oo isku xiga ku guulaysta biladaha dahabka ah ee orodada 10000m iyo 5000m. 

Maalinimada sabtida ay bishani ku aadan tahay 29 ka ayuu ku tartami doonaa orodka 5000m waxaana haddii uu ku guulaysto orodkaasi uu qayb ka noqon doonaa orodyahanada taariikhda cayaaraha fudud ee dunida iyo dalka Ingisiiskaba ku jira. 

Orodyahanada Geoffrey Kamworor iyo Paul Tanui oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku kala guulaystay biladaha qalinka iyo maarta ah ee orodkan inkastoo ay dagaal xoogan u galeen biladda dahabka ah.  

Biladdan ayaa ka dhigaysa dahabkii lixaad ee uu Mo Farah si xiriir ah ugu guulaysto tartamada caalamiga ah ee dunida.


Print Bookmark and Share

Return to previous page