Article Details

Waaberi oo garaacday WArta NAbadda una soo gudubtay Semifinalka tartanka Degmooyinka.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 21/8/2015 | Views: 434
Degmada Waaberi ayaa ka adkaatay dhigeeda warta Nabadda kulan ka tirsan wareegga sideeda tartanka degmooyinka goboka Banaadir oo galabta ka dhacay garoonka Banaadir.
Warta Nabdda ayaa goolka ku hormartay waxaana daqiiqadi 29-aad u dhaliyay Ayuub C/rashiid Muuse oo No , 13 u qaata , bale waxaa Waaberi Daqiiqadi 39-aad usoo barbareeyay Cumar Cilmi Maxamuud ( Bentake) oo No.18 u sita , barbaro 1-1 ayaa qaybta hore lagu kala nastay.

Marki laysku soo laabtay Cumar Bentake ayaa hogaankadaqiiqadi 72-aad u dhiibay Waaberi waxaana bandhiga goolasha daqiiqadi 83-aad soo qatimay Cumar Cabdullaahi Shiikh oo No-10-aad qaata waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 3-1 oo ay guusha ku raacday Degmada Waaberi.

Degmada Waaberi ayaa sdaa ugu soo baxday semi finaalka tartanka kubada cagta degmooyinka gobolka Banaadir 2015, waana sanadki labad oo xiriir ah oo ay tartankan u soo baxayso, waxayna Semi finalaka Talaadada la ciyari doontaa degmada Wadajir.



W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow
Print Bookmark and Share

Return to previous page