Article Details

Muridi Abanuur oo ugu hambalyeeyey macalimiinta K Kolayga xilalka loo magacaabay.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 20/8/2015 | Views: 432

Xiidigii hore ee xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliyeed iyo naadigii Madbacadda Qaranka Muriidi Abanuur Abati (Midig-dhaw sawirka bidix) ayaa macalimiinta xulalka kubadda Kolayga Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey xilalka loo magacaabay.

Muriidi oo dad badan ku xasuustaan wacdarihii uu ka dhigi jiray garoomada kubadda cagta dalka oo muddo dhawr iyo labaatan sanadooda ah ku noolaa dalkan Ingiriiska isla markaana la soo xariiray shabakaddan Cayaarayha.com ayaa ku tilmaamay macalimiinta loo magacaabay xulalka kala gedisan ee  kubadda kolayga Soomaaliyeed kuwa qibrad durugsan u leh laylinta kubadda kolayga isla markaana laga filan karo guulo isdaba jog ah.

“Waxaan hambalyo halkan uga dirayaa saaxiibadayda loo magacaabay macalimiinta xulka K Kolayga gaar ahaan macalin Buruno iyo macalin Shiikha oo ah laba macalin oo aan isla soo qaadanay waqti aad u wanaagsan isla markaana aan hubo in ay wax badan ka tari doonaan kubadda kolayga dalkeena. Xaqiiqiyan macalimiintii hore ee xulka waxay soo gaarsiiyeen meel wanaagsan oo lagu faani karo waanan ku amaanayaa macalin Baarajab guulihii uu xulka gaarsiiyey, anigoo dhinaca kalena guul u rajaynaya macalin Shiikha iyo Buruno” ayuu yiri Muridi oo bahwaynta sport gu ugu yeeri jireen Maradon ihii Soomaaliya.

Muriidi Abanuur oo dhinaca kale ka hadlay faaiidada ay u leedahay horumarka sport ga dalka in la helo macalimiin iyo cayaartoy qibrad u leh ayaa sheegay in aysan dhibaato badan ku jirin in la isku bedelo macalimiin waxayna ayna la mid tahay cayaartoy xulka laga saaray oo mid kale lagu bedelay taasi oo abuuraysa tartan wax qabad ku dhisan isla markaana qayb wayn ka qaadan kara horumarka cayaaraha dalka.

Muddo aan sidaasi u sii fogayn ayey ahayd markii guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolaygu uu xilalkii ka qaaday macalinkii hore ee xulka kubadda Kolayga macalin Cumar baarajab iyo waliba madaxdii xulka taasoo dood badan oo ku aadan sax ahaanshaha go’aankaasi ka dhex abuurtay bahwaynta kubadda kolayga kuwaasoo u muuqday kuwa aad ugu kala fikir duwanaa.

Print Bookmark and Share

Return to previous page