Article Details

Guddiga fulinta GOS oo maanta shir balaaran ku yeeshay Muqdisho,

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 15/8/2015 | Views: 435
Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed ayaa maanta xarunta uu ku leeyahay magaalada Muqdisho ku yeeshay shirkoodii saddexaad ee uu sanadkan gudihiisa isugu yimaado guddigiisa fulinta kaasoo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi.
Kulankan oo ay goobjoog ahaayeen inta badan xubnaha guddiga fulinta ayaa looga hadlay diyaar garowga ciyaaraha All Aafrican Ggames, waxyaabhii u qabsoomay GOS saddexdi bilood ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha la hiigsanayo inta ka hartay sanadkan 2015 iyo waliba sidii loo samayn lahaa xarun-wareed laga daalacan karo dhaqaalaha GOS iyo siyaabaha loo isticmaalo si ay u fududaato la socodka bahda sport ga iyo hay'adaha ku shaqada lehba dhaqdhaqaaqa dhaqaale ee GOS.

Guddoomiyaha GOS Cabdullahi Axmed Tarabi oo shirkan ka hadlay ayaa sheegay in GOS ay diyaarisay ciyaartoy ka qeyb gali doona tartanka ciyaaraha qaaradda Afrika (All African Games) waxaana ay cayaartoydani ka kooban yihiin Ciyaaraha Fudud iyo Taekwondo ga, iyadoo ciyaartoyda cayaaraha fudud ay tan bishii Janaayo diyaar garow ku jireen halka kuwa Taekwondo ga ay dalka Switzerland tababar ku qaadanayeen si ay guulo uga soo hoyaaan ciyaarahan All African Game oo bisha September ka furmi doona dalka Congo.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale sheegay in GOS qorshaynayso in ay samayso goob ay ku soo bandhigto dhaqaalaha soo gala Guddiga Olimbikada Soomaaliyeed iyo qaabka loo maamulo (Online Data Base) taasoo wax badan ka tari doonta la xisaabtanka guddiga iyo waliba isku soo dhawaanshaha guddiga iyo xiriirada xubnaha ka ah, wuxuuna carabka kun adkeeyey in ay dhawaan soo bandhigi doonaan.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhinaca sheegay in ay sii wadi doonaan wadatashigii bahda isboortiga gaar ahaan kuwooda waaya-araga u ah horumarinta isboortiga taasoo uu ku tilmaamay in ay muhiimad wayn u leedahay sare u qaadida cayaaraha dalka.

Intaasi ka dib waxaa si qoto dheer looga dooday waxyaabihii u qabsoomay guddiga saddexdii bilood ee la soo dhaafay iyo sababah ay qabsoomi waayeen kuwa dhiman waxaana la isla gartay talaabooyin lagu dhamaystirayo hawlaha dhiman oo aan badnayn, waxaa sidoo kale laga dooday qaabka loo wajahayo waxyaabaha la damacsan yahay in la qabto saddexda bilood ee soo socota kuwaasoo ayagana la isla ogolaaday talaabooyinka loo qaadayo.

Gabagabadii ayaa waxaa halkaasi la isku raacay qorsha hawleedka saddexda bilood ee soo socota iyo waliba kooxihii ama shaqsiyaadkii hawlahaasi fulin lahaa intaba.

Hussein Hadafow
NOCSOM Media Department
Print Bookmark and Share

Return to previous page