Article Details

Dekadda oo ku durdurisay Horseed tartanka horyaalka kubadda Gacanta.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 15/8/2015 | Views: 432
Kooxda Dekedda oo kulankii koowad ee horyaalka guuldaro la soo kulantay ayaa ciyaartan garoonka ku soo gashay in ay gaarto guushii uGu horeysay iyadoo guuldaro kale oo ay la kulantaa hoos u dhigaysay rajadeeda horyaalka.
Horseed ayaa ayaduna dhankeeda kulankan ka raadinaysay sidii ay ku gaari lahayd guushii labaad ee horyaalka maadaama ay horey u soo badisay kulankii uGu horeeyey.

Labada naadi ayaa soo bandhigay ciyaar ay ku qanceen dadweynihii u soo daawasho tagay iyadoo labada kooxba ay kasoo muuqdeen ciyaartooy da'yar oo tartanka ku cusub balse lasoo baxay ciyaar aad u wanaagsan waxaana qeybta hore ee ciyaarta lagu kala nstay 8-8.


Markii laysku soo laabtay ayaa kooxda Dekeddu hogaanka la wareegtay waxayna difaac adag u gashay in asyan la kulmin waxii ku dhacay qeybtii hore ee ciyaarta taasoo aysan maranaba ku nasan hogaanka ciyaarta waxayse ciyaartii ku soo gebagabowday 12-9 oo ay guusha ku raacday dekedda.

Kulanka xiga horyaalka kubadda gacanta waxa isniinta haddii alaha awoodda lihi ogolaado wada ciyaari doona kooxaha Heegan iyo I.LS kulankaasoo ka dhici doona garoonka Wiish.





Hussein Hadafow
Editor in chief Kubadbile.com
Mogadisho-Somalia
Print Bookmark and Share

Return to previous page