Article Details

Manchester United oo hanatay guushii ugu horeysay ee Horyaalka Ingiriiska.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 8/8/2015 | Views: 361

Kooxda Manchester United ayaa kulankii ugu horeeyey ee horyaalka cusub ee dalka Ingiriiska kana dhacay garoonka Old Traford ee magaalada Manchester 1-0 uga adkaatay kooxda reer London ee Tottenham.

Goolka kaliya ee ka dhashay kulankan ayaa waxaa daqiiqaddii 22aad shabaqiisa si kama ah ugu leexiyey daafaca Tottenham Kyle Walker ka dib markii uu is yiri ka difaac kubadda Wayne Rooney oo uu cabsi badan ka qabay.

Kulankan ayaa aad uga qaboobaa isla markaana ay labada kooxoodba u muuqdeen kuwa cabsi badan ka qaba in ay lumiyaan dhibcaha ugu horeeya ee horyaalka inkastoo wax yar ka hor inta aysan Tottenham iska dhalin goolka ay heleen fursad uu cayaaryahan Eriksen ku dhalin karay gool balse uu dusha sare iska mariyey.

Manchester ayaa saftay kulankan cayaartoy dhawr ah oo aan horey looga aqoon dalkan kuwaasoo ay sanadkan la soo wareegtay waxaana dad badan saadaalinayaan in guushani wax badan ka badali doonto niyadda cayaartoyda Manchester oo ah kuwa muddo yar isla jooga walina aan si wanaagsan jaanta iskula helin.

Tottenham ayaa ayagu aaminsan in ay daaqadda ka tureen dhibco ay maanta ka heli kareen kulankan ayagoo inta badan ee cayaartana la qaybsaday kubadda Manchester oo gurigeeda marti loogu ahaa.

Print Bookmark and Share

Return to previous page