Article Details

Soomaaliya oo doorka ugu weyn ku leh finalka CECAFA

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 2/8/2015 | Views: 409
Waxaa gellinka dambe ee maanta lagu soo gabogabeyn doonnaa dalka Tanzania, tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika, oo bishii hore halkaasi ka furmay, waxaana kasoo qeyb galo kooxaha dalalka bariga iyo bartamaha kuwaas oon kusoo guuleysto horyaallada dalalkooda.
Kama dambeysta ayaa waxaa ku ballansan Gor Mahia, oo ka socoto waddanka Kenya iyo Azam, oo ka socoto dalka tartanka martigelinayo ee Tanzania, midkood ayaana la hoyan doonno koobkaasi.

Ciyaartan ayaa masuuliyiinta Soomaaliyeed waxa ay ku leeyihiin doorka ugu weyn, mudane Cabdiqani Saciid Carab, ayaa kulankan waxa uu ka noqon doonna xeer-ilaaliye, halka
Cali Maxamed Axmed (Cali Saciid) oo ka noqon doonno kormeeraha guud ee ciyaarta, Shafici Muxyadiin Islow, ayaa isna waxa uu ka yahay muumalaha dhanka saxaafada ee CECAFA iyo Suleymaan Sheekh Bashiir, oo isna ah callan-hayaha labaad ee kulankan.

Qeybaha bulshada ayaa rumeysan madaxda ciyaaraha dalka inay markan door muuqda leeyihiin maamulida cayaaraha dibadda, waxana loo arkaa guul u soo hoyota dadka Soomaaliyeed.

By: Cumar Ibraahim Cabdisalam (Cumar Yare)
Somali Football Federation Media Department
Print Bookmark and Share

Return to previous page