Article Details

Kooxdii Soomaaliyeed oo kaalinta 3aad ka gashay koobka Norway Cup. (Sawiro)

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 2/8/2015 | Views: 372
Kooxda Warya FC oo dalkeena Soomaaliya ku matalaysay tartan kubadda cagta ah oo caalami ah isla markaana ay ka soo qaybgaleen dhamaan dhalinyarada dunida oo kala matalay kooxo kumanaan ah oo dalalkooda ah ayaa waxa ay maanta ku guulaysatay kaalinta 3 aad ee tartankaasi (Norway Cup 2015).
Kooxda Soomaaliyeed ayaa markii ay u soo gudbeen 16 ka kooxood ee ugu dambeeyey tartankan waxaa ay isku soo aadeen kooxdii horey ugu guulaysatay koobkan oo ka socotay dalka Brasil waxayna kooxda Warya FC uga adkaatay kooxda reer Brasil 1-0, ayadoo ka dibna kulankii sideeda kooxood 2-1 ku soo dardaray koox dhalinyaro ah oo ka socotay dalka Jarmalka.

Kulankii Semi-final ka ahaa oo ay uga hortageen koox ka socotay dalka Thailand ayuu nasiibdarro garsoorihii kulanku waxa uu daqiiqadihii ugu dambeeyey ee cayaartan rigoore ama laadka ganaaxa u dhigay kooxdii reer Thailand waxaana ay cayaartii noqotay 2-1 taasoo ku adkaysay kooxda Soomaaliyeed in ay iska soo gudaan goolkaasi waqtiga oo aad u yaraa dartii sidaasna ay guushii ku hanteen kooxdii Thailand.

Dhalinyarada matalaysay dalkeena Soomaaliyeed ayaa kulankoodii ugu dambeeyey ee koobkan faca wayn waxa ay kula hardameen kaalinta saddexaad koox ka socotay dalka martida loo ahaa ee Norway waxaana koobkii kaalinta saddexaad hantiyey xulkii dhalinyarada Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay ee koox Soomaali ihi ka qaybgasho tartan sidan u baaxad wayn isla markaana ay ka galaan kaalinta 3 aad taasoo mudan in lagu amaano maamulka iyo macalinka kooxdan Warya oo ka kooban dhalinyaro laga soo xulay dhamaan gobolada dalka iyo waliba dalal ka mid ah qaaraddan Yurub.


Print Bookmark and Share

Return to previous page