Article Details

Cayaartoy hore iyo martisharaf sport oo xalay lagu soo dhaweeyey London.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 30/7/2015 | Views: 379

Kulan lagu soo dhawaynayey cayaaryahanadii hore ee naadiyadii Badda iyo Betroolka Xamsa SAciid Xamsa iyo Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Yare) iyo martisharaf kale oo ay ka mid ahaayeen xoghayihiii hore ee XSKL Maxamed Yaanyo iyo C/Rashiid Ciilmooge ayaa xalay waxa uu ka dhacay galbeedka magaalada London.

Kulankan oo sidoo kale la isku waydaarsaday fikrado isla markaana su’aalo la isku waydiiyey ayaa waxaa soo qabanqaabiyey bahwaynta sport ga London waxaana goob joog ka ahaa Xoghaya GOS Duraan Axmed Faarax, agaasimaha hay’adda dabdamiska iyo adeega degdega ah ee Soomaaliya C/Laahi Saneey, cayaartoydii iyo macalimiintii hore ee dalka iyo marti kale.

Ugu horeyn waxaa hadalo koob kooban oo ku aadan taariikhahoodii sport ka soo jeediyey cashada labada cayaaryahan Xamsa iyo Xasan yare oo ayagu ka kala yimid dalalka Maraykanka iyo Canada kuwaasoo ay saaxiibadoodii goobjooga ka ahaa cashadan ku soo xasuusiyeen taariikho hore ayadoo ka dibna ay ka jawaabeen su’aalo dhawr ahaa oo ay waydiiyeen asxaabitii kale.

C/Laahi Saneey ayaa dhinaciisa warbixin aad loogu riyaaqay oo ku saabsanayd horumarka dalka gaar ahaan hay’adda uu madaxda ka yahay ka soo jeediyey halkaasi wuxuuna aad ugu dheeraaday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dabdamiska dalka iyo siyaabaha ay qurbajoogtu uga qaybqaadin karaan badbaadinta shacabka soomaaliyeed iyo maalkoodaba.





Xoghayihii hore ee xiriirka soomaaliyeed ee kubadda laliska ayaa wax badan ka sheegay sidii dib loogu yagleeyey sport ga dalka ka dib burburkii dawladdii dhexe wuxuuna sheegay in dad badan oo ka mid ahaa dadkii rabay in ay heer gaarsiiyaan sport ga dalkeena ay ku nafwaayeen qaar kale oo uu asagu ka mid ayahayna ay ka soo gaareendhaawacyo.

 

Waxaa sidoo kale hadalo dhaliil iyo dhiirigelin isugu jirtayba u soo jeediyey bahda sport ga UK odayaasha sport ga gaar ahaan Axmed Nuur Maxamed Xaashi (Sayga), C/Raxmaan Guhaad (Shiino), C/Qaadir (Biyooleey), Abaliisha, Abuukar Cali Jimcaale kuwaasoo dhamaantood ku tilmaamay bahdan kuwa is jecel hadana aan ku midaysnayn wax badan loona baahan yahay in laga gudbo khilaafkaasi.

Xoghayaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed Duraan Axmed Faarax ayaa dhinaciisa ka jawaabay su’aalo laga waydiiyey horumarka sport ga iyo eedaymo ayagu had iyo goor ka yimaada bahwaynta sport ga ee qurbaha wuxuuna si qoto dheer uga hadlay baahiyaha kala gedisan ee ka jira dalka, waxyaabaha lagu tabayo dadka qurbaha ku nool gaar ahaan kuwa sport ga iyo sida ay kaalintoodii u gabeen wuxuuna ku difaacay bahwaynta sport ga eek u dhaqan gudaha dalka in ay u dhabar adaygeen horumarka hadda socda loona baahan yahay in la taageero halka hadalada aan waxba kordhinayn lagu dhaawacayo.



Ugu dambayntii ayaa waxaa halkaasi laysku waydaarsaday sheeko iyo sawiro xusuus ah ayadoo uu kulankii xalayna ku soo dhamaaday jawi aad u qurux badnaa oo aad loogu riyaaqay.





Print Bookmark and Share

Return to previous page