Article Details

Kooxda Waryaa FC oo wacdaro ka dhigaysa koobka Norway Cup 2015.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 30/7/2015 | Views: 414

Kooxda Waryaa FC oo ah koox Soomaaliyeed oo laga soo xulay gobolada dalka soomaaliya iyo dalalka Yurub qaarkood da'dooduna ka yar tahay 14 jir kana qaybgalaysa tartanka caalamiga ah ee Norway cup ayaa galabta soo gaaray Semi-Finalka tartankan.

Tartankan oo ah tartan kubadda cagta ah sanad waliba lagu qabto magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxaa ka soo qaybgalay kooxo dhan 1639 kooxood oo ka kala socday dalalka adduunka waxayna kooxdani noqotay kooxdii ugu horeysay ee Soomaaliyeed kana qaybgasha tartankan isla markaana aan ilaa iyo hadda dhinacooda dhulka la dhigin.



Kooxdan matalaysa dalkeena ayaa waxa ay soo cayaartay lix kulan oo ay uga soo kala kala adkaadeen kooxo ka kala socday dalal ay ka mid yihiin Mexico, Denmark, Norway, iyo waliba kooxdii horey u haysatay koobkan oo ka socotay dalka Brasil oo ay galabta dhegta dhiiga u dareen ka dib markii ay 1-0 uga adkaadeen.

 

macalinka kooxda Waryaa FC Godane Cabdi Cilmi oo aan kula xiriiray khadka isgaarsiinta ayaa ii sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay metalaan dalkooda isla markaana soo gaarsiiyaan calanka iyo sharafta Soomaaliyeed heerkan



Macalin Godane oo aan wax ka waydiiyey sida ay ugu suuragashay in ay cayaartoy da'yar ka keenaan dalkeeni isla markaana ay ka soo qaybgalaan tartan sidan u baaxad wayn ayaa sheegay in uu asagu yahay nin shahaadooyin sare oo dhinaca sport ga ah ka qaatay dalka Sweden isla markaana uu horey uga mid ahaan jiray tababareyaasha kooxda kaliya oo Soomaaliyeed ee ka cayaarta heerka saddexaad qaaraddan Yurub oo lagu magacaabo SUFSTAR kana dhisan dalka Sweden uuna asagu yahay shaqsiga isku hawlay in uu cayaartoy da'yar oo tayo leh ka keeno dalki si ay fursad ugu helaan in ay arkaan kooxaha waawayn ee qaaraddan dalkoodana magic uGu keenaan. 



Mar uu ka hadlayey cidda ka caawisa dhinaca dhaqaalaha ayuu mahad aan la soo koobi Karin u soo jeediyey kooxda SUFSTAR oo ah kooxda soo Sponsor garaysay kooxdan Soomaaliyeed la'aantoodna aysan suura gasheen. 



Dhinaca taageerada dadka Soomaaliyeed ee Norway ayuu ku tilmaamay in aysan inta badan la socon in ay koox Soomaaliyeed ka qaybgalayso uuna rajaynayo in cayaaraha dambe ay arki doonaan taageerayaal soomaaliyeed. 



Kooxda Warya oo ka kooban 16 cayaartoy oo 12 ka mid ahi ka yimaadeen dalkeeni hooyo halka 4 ta kalena laga soo xulay dalka Sweden ayaa qaybtii ay uga jireen tartankan ka soo galay kaalinta koowaad waxayna hadda joogaan cayaaraha semi-final ka ayadoo la filayo isla markaana uu macalinka kooxdu aad ugu rajo wayn yahay in ay kaalin wanaagsan ka soo geli doonaan tartankan.
 



Guulaysta.

    











Print Bookmark and Share

Return to previous page