Article Details

MO Farah oo ku guulaystay orodka 3000m ee cayaaraha sanadguurada.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/7/2015 | Views: 383
Orodyahanka caan baxay ee Mo Farah ayaa mar kale garoonkii uu ku qaaday biladdihii dahabka ahaa ee tartamadii Olimbikada Adduunka ee Olympic Stadium ku hantiyey bilad kale oo qaali ah ka dib markii uu xalay ku guulaystay kaalinta koowaad ee orodka 3000m, cayaaraha sanadguurada ee ka socda London (Aniversary Games).
Mo Farah oo usbuucyadii ugu dambeeyeyba saarnaa shaashadaha caalamka ka dib markii tababarihiisa Alberto Salazar lagu eedeeyey in uu isticmaalo dawooyinka mamnuuca ka ah orodyahanada inkastoo ay macalinka iyo Mo Farah ba dafireen ku luglahaanshaha eedaymahaasi ayaa u muuqday mid aysan wax badan u dhimin wararkaasi kana faaiidaystay taageeradii faraha badnayd ee uu xalay kala kulmay shacabka magaalada London oo sawaxan iyo qaylo badan isku daray markii lagu dhawaaqay magaca orodyahankan Soomaaliyeed.

Bishan bilowgeedii ayey ahayd markii uu orodka 5000m ku guulaystay tartankii ka dhacay magaalada Lausanne ee dalka Switzerland inkastoo uu isaga baaqsaday tartankii Diamond League ee ka dhacay magaalada Birmingham bishii June ee sanadkan kaasoo uu ku macneeyey in uu maskax ahaan iyo jir ahaanba ugu daalay eedaymaha foosha xun ee laga qorayey macalinkiisa.

Mo Farah oo markii ugu horeysay ku orodayey dalkan Ingiriiska tan iyo markii ay soo baxeen eedaymahan ayaa waxaa uu xalay noqday ninkii ugu orodka badnaa dunida sanadkan 2015 ka ee orodka 3000m kaasoo uu ku orday 7:34.66 Seconds, asagoo dhinaca kalena ku orday 200m ee ugu dambaysay orodkan waqti dhan 26.5 Seconds oo ah waqti aad u wanaagsan ama u xawli badan. Halkan hoose ka daawo siduu u badiyey Mo Farah:


Dhinaca kale waxaa orodkan asaguna kaalin wanaagsan ka galay orodyahan kale oo u dhashay Soomaali balse ku ordayey magaca dalka Belguim laguna magacaabo Bashir Abdi waxaana ay tani ku tusinaysaa in awoodda orodyahanada ka soo jeeda Soomaalida ee orodada dhaadheer ay aad u kordhayso ayna wax badan la qaybsanayaan orodyahanada kale ee bariga Afrika.
Print Bookmark and Share

Return to previous page