Article Details

Orodyahanad uu tababaro macalin Jaamac Karaaciin oo jabisay rikoor caalami ah.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/7/2015 | Views: 439
Waxaa markale Ciyaaraha oroddada caalamka kaga dayaamiyey Ciyaartoyga Genzeba Dibaba ee uu Tababarro Jama Aden oo ah tababare si weyn looga qaddariyo, ama looga dambeeyo Caalamka ka ib markii ay 24 jirkan ay jebisay rikoodhkii u yaalay orodka masaafada 1500m/meter; kaas oo ahaa mid aan loo dhawaan jirin, kuna cusboonaysiisay 3 miridh 50.07 oo ilbidhisqsi 3:50.07.
Rikoorkan ay jabisay orodyahanaddani oo ahaa 3:50.56 ayaa waxaa horey u dhigay ciyaartoyga shiinahaa ee Yunxia Qu, tartankii ka dhacay magaala madaxda China ee Beijing sannadkii 1993.

Guushan ayaa ahayd mid filan waa ku noqotay dadka qaddariya ciyaarahan orrodada adduunka iyo kuwa ka faaloodaba maadaama ay Dibaba ku guulaysatay orodkan oo aha mid outdoor ah ama dibad orod ah ayadoo ay orodyahanaddani hore looga bartay  inay ahmiyad gaar ah siiso orodada indoor ka ee lagu ordo garoomada kooban ama daddan.

Saacadaha ay ku oroday intii ka horreeysay xagaagan Genzeba ayaa ahaa qaar aanay ku qanacsanayn kuwaas oo ahaa 3:57.54 arodka 1500m, 8:26.21 orodka 3000m, iyo 14:28.88 orodka 5000m. Saacadahaa oo runtii ah qaar ay ciyaartoyga kale ay ku riyoodaan siday u gaadhi lahaayeen, balse Dibaba iyo tababare Aden ay ogaayeen inay ka gudbi karto iyagoo eegaya tababarka iyo barnaamijka ay ku socoto ciyaaryahan Dibaba.

Genzeba Dibaba ayaa mar laga wareystay ka dib rikoodhkeeda cusub tidhi “Waan ogaa inaan karti u leeyay inaan jabiyo rikoodhka 1500m, kalsoonidaana waxa isiiyey tababarka xoogan ee tababrahaygu igu siiyey magaalada Barcelona”.

Waxay sidoo kale mahadnaq balaadhan u soo jeedisay tababaraheeda Jama Aden, iyadoo tidhi “Waxaanan marnaba ilaawayn kalsoonida buuxda ee aan ka helay tababarahayga, isagoo mar walba igu dhiirigeliya inaan xoog saaro jebinta rekoodhada aan awoodda u leeyahay”. Waxaa ay Dibaba ku dartay inay hiigsnayso jebinta rikoodhadeeda 1500, 5000m, iyo 800m ba.

Waxaa tababare Jama Aden iyo kooxdiisa ay ka mid tahay Genzeba Dibaba ay u diyaargaroobayaan siday Billaddo Dahab ah markale uga soo hantiyi lahaayeen ciyaaraha IAAF World Championships lagu qaban doono Magaalada Beijing ee China,
kuwaas oo bilaabmaya bisha August 24 da.

Macalin Jaamac ayaa waxaa Ciyaaryahanadiisa caanka ah ee la filayo in ay wacdaro ka dhigaan Beijing ka mid ah Ayanleh Souleiman, Mousaeb Balla, Abdaleleh Haroun, iyo Ciyaaryahanno badan oo iyaguna tartankaa ka qaybgelaya.

Waxaa jeclahay inaan idin la socodsiiyo natiijooyinka ciyaaraha kooxda Tababare Sare Jama Aden ee World Champiomships waxaanan shaki ku jirin inuu Jama Aden yahay tababraha ugu horreeya caalamka oroddada masaafada dhexe ee xiligan waana tabaraha uu orodyahan walba uu magaciisa laabta ku hayo, kuna Hammiyo sidii uu uga mid noqon lahaa kooxda uu tababarro.

By. Issa Awaleh
Print Bookmark and Share

Return to previous page