Article Details

Olympic day oo laga xusay Soomaaliya+Sawirro

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 24/7/2015 | Views: 397
Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa maanta muqdishio ku qabtay ciyaarayo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka oo ku beegnayd 23 June, basle sanadkan ay GOS dib u dhigeen maadaama ay maalintani ku soo beegantay bisha ramadaan laguna go’aansaday in la qabto 23 July.
Dabaaldega maalinta ku wayn bahda Olimbikada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay GOS, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Kubada kolayga Xiriirka kubbadda Gacanta , Ururada Ciyaartoyda Caafimaadaka iyo saxafada ee Gos iyo waliba martisharaf kale oo lagu casuumay dabaaldegan.

Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka Wiish ayaa tartamadii lagu xusay waxaa ka mid ahaa ciyaaaro orodo oo ay ka qayb qaateen inka badan 200 oo ciyaaryahan isuguna jiray wiilal iyo gabdho, kulan ay ka qayb galeen xiddigaha gabdhaha kubadda kolayga oo isku arkay cayaar aad u adkyd, Xiriirka Taekwanduga oo ciyaaro iyo dhoolatusyo qurux badnaa ku soo bandhigay garoonka iyo waliba ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka oo ay ka maqsuudeen dadwaynihii garoonka usoo daawasho tagay.

Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay Kaaliyaha xogahayaha GOS Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) oo sheegay in GOS ay mudnaan gaar ah siinayso maalintan Olympic Day oo ah maalin caalami ah wadamada caalamka oo idilna laga xuso.

" Sanad kasta waxaa dunida laga xusaa maalintan 23 June oo ah maalinta rasmiga ee Munaasabada, balse sanadkan waxaaan dooranay 23 July inagoo dhowrayna bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaanan halkan mahed celin gaar ah uga soo jeedinaynaa, dhamaan xiriiradii ka qayb qaatay xuska sanadkan iyo maamulka degmada Cabadicasiis oo door muhiim ah ka qaatay.”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Madaxa Amuuraha Gobolada GOS Ibraahim Xuseen Cali (Roombe), waxuuna tilmaamay in ay GOS iyo xiriirada xubnaha ka ahiba qadarin wayn u hayaan maalmaha caalamiga ah oo ay 23 June ka mi tahay wuxuuna munaasabadda sanadkan ku tilmaamay mid ku soo beegantay maalmo farxadeed isla markaana ay munaasabada u dhacday qaab qurux badan, wuxuuna sidoo kale mahadcelin balaaran u soo jeediyay Dhamaan intii gacanta ka gaysatay suurtagalnimada munaasabaddan.

Maalinta Olombikad aduunka ayaa si weyn looga dabaaldegaa caalamkan iyadoo wadamada xubnaha ka ah IOC ay ciyaaro kale duwan iyo siyaabo kal duwanba u xusaan maalintan loogu magac daray maalinka Olimbikada (Olympic Day).


W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Print Bookmark and Share

Return to previous page