Article Details

Orodyahan ka soo jeeda dalkeena oo ku guulaystay 10000m ee cayaaraha PAN America 2015.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/7/2015 | Views: 521
Orodyahan Maxamed Axmed oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliya balse matalaya dalka uu degan yahay ee Canada ayaa ku guulaystay biladda dahabka ee orodka dheer ee 10000m cayaaraha Pan Am ee ka socda magaalada Toronto ee dalka Canada.
Maxamed Yusuf Axmed oo 24 jir ah kana qalin jabiyey jaamacadda Wisconsin-Madison dhinaca culuunta siyaasadda sanadkii hore ayaa markii ugu horeysay u matalay dalkan Canada cayaarihii Olimbikada adduunka ee sanadkii 2012 kii ka dhacay dalka Ingiriiska asagoo ka dibna ka qaybgalay kuwii Commenwealth ka oo ayaguna ka dhacay dalka Scotland iyo waliba tartankii cayaarihii adduunka ee sanadkii 2013 kii waxaana uu kulamadaas oo idil kala soo laabtay waaya aragnimo u suuragelisay in uu biladda dahabka ee orodkan u hantiyo dalka uu matalayo.

Maxamed oo tababarkiisa ku qaata magaalada Oregon ee cariga Maraykanka ayaa waxaa sidoo kale la dhashay laba wiil oo ayaguna orodyahano ah kuwaasoo sida uu sheegay ku dhiirigeliyey isla markaana qayb ka qaatay tababarkiisa. 

Orodada dhaadheer ayaa ah kuwa ay had iyo goor hantiyaan kaalimaha ugu horeeya orodyahanada ka soo jeeda dalalka bariga Afrika oo ay Soomaalidu ka mid tahay waxaana uu xiddigani noqonayaa kii labaad oo dal ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha badan dunida isla markaana ay soomaalidu u soo qaxday u hanta bilad dahab ayadoo aan wada xasuusano biladihii dahabka ahaa ee uu Mo Farah u hantiyey dalka Ingiriiiska cayaarihii caalamiga ahaa ee sanidihii tagay.


Halkan hoose ka daawo sidii uu ugu guulaystay Maxamed Axmed biladda dahabka ee 10000m, Pan Am 2015.
Print Bookmark and Share

Return to previous page