Article Details

Cayaarihii xagaaga ee dalka Sweden oo shalay ka furmay Stockholm.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/7/2015 | Views: 388
Ururka dhaqanka iyo cayaaraha ee dalka Sweden (SEUKI) ayaa shalay si rasmi ah magaalada Stockholm ee dalkaasi ka furay tartankii caanka ahaa ee xagaaga ku dhexmari jiray kooxaha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha.
Tartanka ayaa waxaa sanadkan ka qaybgalaya in ka badan 200 cayaartoy oo ka kala yimid dhamaan dalalka qaaradda Yurub waxaana lagu wadaa in tartankani socdo ilaa iyo bisha August 2 deeda.

Kulankii ugu horeeyey ee shalay ku dhexmaray garoonka Sponga oo ay kulamadani ka dhici doonaan ayaa waxaa isku arkay laba kooxood oo ka socday dalka Sweden kalana ahaa Rinkeby Stars iyo Al-Azhar waxaana ay guushii ugu horeysay ee tartanka SEUKI 2015 2-1 ku raacday kooxda Rinkeby Stars.

Daawashada cayaarahan xagaaga oo ah kuwa ugu xiisaha badan qaaraddan Yurub ayaa waxaa had iyo goor ka soo qaybgala dadwayne aad u fara badan oo isaga kala yimaada dalalka deriska la ah dalka Sweden iyo waliba cayaartoydii hore ee dalka oo lagu casuumo cayaarahan.






Print Bookmark and Share

Return to previous page