Article Details

XSK Kolayga oo magcaabay macalimiinta xulalka qaranka K Kolayga dalka.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/7/2015 | Views: 368
Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha xiriirka soomaaliyeed ee kubada kolayga ayaa waxaa lagu magacaabay macalimiinta qaybaha kale gedisan ee xulka qarankan kubbadda Kolayga Soomaaliyeed.
Waraagtadan uu ku saxiixnaa guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga Mudane Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa lagu sheegay in shir ay isugu yimaadeen guddiga fulinta ee XSKK ka dib lagu magacaabay 21 Macalin oo 18 ka mid ah ay hogaamin doonaan xulalka qaranka Wiilasha iyo Gabdhaha oo ka koobnaan doona waawayn 17- jirada iyo 3×3 oo Wiilal iyo Gabdhaba isugu Jira.

Waxaan sidoo kale macalimiinta ku jira 3 macalin oo Mini Basketball loo magacaabay kuwaas oo laga doonayo in ay soo saaraan ciyaartooy da’yar.

Macalimiintan ayaa isugu jira kuwa dalka gudihiisa ku nool iyo kuwo ayagu ku dhaqan dalka dibaddiisa halka sidoo kale ay ka mid yihiin shaqsiyaad magac wayn ku leh kubadda kolayga dalkeena.

macalimiinta la magacaabay ayaa kala ah:

Macalimiinta Xulka qaranka wiilsha (Waawayn):

1- C/Qaadir Xaaji Daahir (Shiikha)
2- Cusmaan Cali-Nuur Maxamed (Bruno)
3- Mustaf C/Casiis Maxamed

Macalimiinta Xulka Qaranka Gabdhaha (Waawayn)

1- Maxamed Sheakh
2- Cali Sheakh Mukhtaar
3- Mulki Nuur muudeey

Macalimiinta Xulka qaranka wiilasha ka yaryar 17 jirka

1- Daauud Axmed Maxamed (Daa'uud Dheere)
2- Ibraahim Xuseen Nuur
3- Fartuun Cali Dheere

Macalimiinta Xulka qaranka gabdhaha ka yaryar 17 jirka

1- Sacad Cumar geeddi
2- Geeddiyo Cali Abshir
3- C/Laahi Maxamed Warsame

Macalimiinta Xulka qaranka wiilasha 3 x 3

1- C/Casiis Cali Axmed
2- Maxamed Qanyare
3- Deeqo Cali Food

Macalimiinta Xulka qaranka gabdhaha 3 x 3

1- Cabdi Maxamed Waadhowr
2- Faadumo Cali Cabdiraxmaan
3- Fawsiyo Maxamed Cali

Macalimiinta Mini Basket ka

1- Cumar Kaaraan
2- C/Laahi Baay
3- Faadumo Aways Maxamed

Waa markii ugu horeysay oo uu xiriirka kubadda kolaygu magacaabo tiro intaasi le'eg oo macalimiin ah waxaana uu xiriirku dhawr mar oo hore ku celceliyey in uu dib u habayn ku samayn doono tababarayaasha xulalka qaranka ka dib markii uu shaqadii ay hayeen horey uga fariisiyey macalimiintii hore ee qaranka markii laga soo laabtay tartankii bariga iyo bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Uganda.

W/D: Xuseen Maxamed Hadaafow
Email: Hadaafoow7@gmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page