Article Details

Guddoomiye Caddaani oo Faarax Oday u magacaabay madaxa xulalka qaranka K Kolayga.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 23/7/2015 | Views: 453
Guddoomiyaha Xiriirka Kubbadda Kolayga Soomaaliyeed Mudane Cabdullahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa magacaabay madaxa guud ee xulalka qaranka kubbadda kolayga Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cadaani ayaa xilkan u magacaabay laacibkii hore kooxaha jeenyo iyo Batroolka Faarax Jaamac Nuur (faarax oday) islamarkana kaaliye xoghaye ka soo noqday xiriirka Soomaaliy eed ee kubbada kolayga.

Magacaabista madaxa xulka ayaa timid kadib marki uu guddoomiye Cadaani soo magacaabay macalimiinta xulka qarankna Wiilasha iyo gabdhaha oo da' weyn iyo da'yar isugu jiray.

Faarax Oday ayaa badalaya madaxii hore xulka qaranka Axmed Muuse, waxuuuna hogaamin doona 18 Macalin oo loo soo magacaabay xulalka kala gedisan kubada kolayga..

W/D: Xuseen Maxamed hadaafow
Email: hadaafoow7@gmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page