Article Details

Petr Cech oo u wareegay Arsenal.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 29/6/2015 | Views: 381
Goolhayihii kooxda Chelsea Petr Cech ayaa u wareegay kooxda Arsenal ee waqooyiga London 11 sanadood ka dib markii uu kooxda Rennes ee reer France uga soo baqoolay kooxda Chelsea.
Goolhayahan oo 32 jir ah ayaa waxaa lagu sheegay in uu ku kacay heshiiskiisan adduun gaaraya 10 Milyan oo geniga Isterliinka ah kaasoo uu ku jogi doono kooxda Arsenal afarta sanadood ee soo socda.

Petr Chech ayaa kooxda Chelsea oo ayaduna ka dhisan dhinaca Galbeed ee isla magaalada London waxa uu u saftay 400 oo kulan mudadii 11 sanadood ahaa ee uu kooxdan u ahaa goolhayaha xiligaasoo uu ku guulaystay 13 koob waxaana uu go'aankan gaaray ka dib markii uu kaalinta koowaad ee goolka uu ka bixiyey goolhayaha da'da yar ee reer Belgium Thibout Courtois.

"Noloshu mar waliba ma noqoto sida aad jeceshahay, waxa aan ku hamiyi jiray in aan cayaarahayga ku dhamaysan doono kooxda Chelsea, waxaa ii caddaatay in aysan wax badan iska bedeli doonin xaaladdayda haddii aan sii joogo kooxda Chelsea ka dibna waxaan go'aansaday in aan horey u socdo" ayuu Petr Cech ku yiri warqad qoraal ah oo uu u diray taageerayaasha kooxda Chelsea.

Arsenal ayaa uu heshiiskani u noqonayaa cayaaryahankii ugu horeeyey ee ay la soo wareegto waxaana laga yaabaa in Petr Cech uu markii ugu horeysay ka horyimaado kooxdiisii hore ee Chelsea kulanka ay labada kooxood isku arki doonaan koobka Community Shield ka oo bisha August 2 deeda ka dhici doona garoonka Wembley ee magaalada London.
Print Bookmark and Share

Return to previous page