Article Details

GOS oo ka tacsiyadaynaya Geeridii guddoomiyhii Xiriirka Soomaaliyed ee Cayaaraha Fudud.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 26/6/2015 | Views: 407
Inaa Lilaahi Wainaa Ilayhi Raajiuun: Alle Ha Unaraxiiste waxaa Maanta Magaalada Dubai ee Dalka isutaga Imaaraadka Carabta ku geeriyooday guddoomiyhii Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud Professor Maxamed Cali Maxamed
Guddoomiyaha Guddiga Olombiakda Soomaaliyeed Cabdullahi Axmed Tarabi oo La hadlay Nocsom aya yiri" aniga ku hadlaya magaca guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisa waxaan tacsi u dirayaa Qoyskii iyo ehaladii uu ka geeriyooday Marxuum Pro: Maxamed Cali Maxamed.  Xaqiiqi Maanta waxaa wynay nin naftiisa aqoontiisa iyo waqtigiisa u horey isboortiga Soomaaliyeed in kabadan 50 sano u taagnaa sare u qaadida isboortiga Soomaaliyed.

Alla Ha unaxariistee Profesor Maxamed Cali waxuu ahaa macalin, maamule aqoonyahan sare u qaaday qaybaha kale gedisan ee ciyaaraha waxuuuna qayb wayn ka qaatay aasaaskii isboortiga Soomaaliyeed Sanadihii lixdamaadka iyo todobaatamaadkii, waxaana leenahay naraxiitsii jano alle haka waraabiyo qoyskii iyo ehaladii iyo dhamaan bahda isboortigana samir iyo iimaan haka siiyo". ayuu Guddoomiye Tarabi Hadakiisa ku soo gebagabeeyay.

Pro: Maxamed Cali ayaa 2008 noqday guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee ciyaaraha Fudud waxaana xilkaas loo doortay laba jeer.

Sidoo Kale waxuu macalin ka noqday dalka Imaraadka halkaas uu kusoo saaray arday xilal ka qabtay xiriirada caalamiga sida Xiriirka Ciyaaraha fudud ee Aduunka.

Saakay 8:00 subaxnimo ayuu ku geeriyooday Magaalada Dubai ee isutaka Imaaraadka Carabta oo mudooyinki dambe ku xanuunsanaa.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.

W/Q: Xuseen Maxamed Hadaafow
Nocsom Media Department
Print Bookmark and Share

Return to previous page