Article Details

Ocean Stars Oo Muqdisho Kawada Tababarkii Ugu Adkaa Iyagoo Ka Qeyb Galaya Tartamo Kala Duwan

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/6/2015 | Views: 354
Waxaa si xiiso leh uga biloowday magaalada Muqdisho tababaro la siinayo labo xul kuwaas oo Soomaaliya ku matali doono tartamo kala duwan oo kubbadda cagta ah, waxana ay isugu jiraan xulal ay da’dooda ka hooseyso 17-ka sanno iyo 20-ka sanno.
Xiddigahan ayaa tababarka waxa ay ku qaataan gellinka dambe ee maalintii garoonka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana hoggaaminayo macalinka qaranka Soomaaliya Mbabazi Charles oo u dhashay waddanka Uganda.

Ciyaartooydan ayaa la rajeynayaa inay natiijo wax ku ool ah ka keenaan tartamada ay ku wajahan yihiin, waxaana laga soo kala xulay seddex heer ee horyaalka kubbadda cagta Soomaaliya.

Sidoo kale macalinka hormuudka ka ah tababarkan ayaa sheegay xilligii uu xilka la wareeggay inuu doonayo sidii uu ku sameyn lahaa isbeddel dhab ah oo ku aadan horumarinta kubbadda cagta Soomaaliya, maasuuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta ayaa mar walba sameeyo garab istaag xoog badan oo ku aadan ciyaartooyda heer qaran.

Garoonka Banaadir, ayaa waxa uu yahay midka labaad ee ugu weyn dalka, waana goobta iminka ay sida joogtada ah tababarka ugu sameeyaan xiddigaha xulka qaranka Soomaaliya.



By: Cumar Ibraahim Cabdisalam (Cumar Yare)
Somali Football Federation Media Department
Email:omar.abdisalaam@somsoccer.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page