Article Details

Kooxda Heegan oo bilaawday udiyaar garowga tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 25/6/2015 | Views: 440
Waxaa si wayn waqtigaan magaalada Muqdisho uga soconaya diyaar garoow xoogan oo ay ku jiraan Macalimiinta Ciyaartoyda iyo Maamulka kooxda Heegan kuwaas oo isku diyaarinaya ka qayb galka tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa oo aan wali si rasmi ah loo shaacin halka lagu qaban doono.
Horyaalkii soo idlaaday ee heerka koowaad ahaa dalkana lagu ciyaaray waxaa ku soo guuleestay kooxda kubadda cagta Heegan tartankaana waxaa Soomaaliya uga qayb galaya kooxdii kaalinta koowaad Horyaalka ka soo gasha.

Ciyaartoyda kooxda ayaa lagu xareeyay xeri gooni ah waxa ayna tababar ku qaataan garoonka Banaadir oo ay horay Horyaalka ugu soo ciyaareen iyagoo bilaaba tabarka 2:00 Dhurnimo waxa uuna tababarkooda dhamaadaa 5:30 Galabnimo.

Kooxda waxaa lagu soo daray dhowr ciyaaryahan waxaana kamid ah oo waqtigaa naadiga la diyaar garoobaya ciyaartay ay kamid yihiin Xassan Afgooye oo si amah ah looga soo qaaday kooxda Elman iyo Meema oo isna laga keenay kooxda kubadda cagta Jeenyo iyo kuwo kale.

Macalinka kooxda Axmed C/raxmaan Cumar Gaadaamow ayaa isga oo tababarka bixnaya waxa uu gudaha garoonka kula hadlay Idaacada GOOLFM wuxuuna ka warbixyay sida naadiga loo diyaarinayo.

“Waxaan bilaanay diyaar garow aad u balaaran waxaana isku diyaarinaynaa tartanka aan ka qayb galayno,runtii waxaad la socotaan in si awood badan ay kooxdu ugu soo guuleeysatay Horyaalkii dalka sidaas darteed waxaan hadda wadnaa sidii aan isbadal uga keeni laheen tartanka aan ka qayb galayno,xaqiiqdii kooxda marka awoodeeda laga hadlo aad ayay usareeysaa waxaana ku rajo wayn nahay in tartankaas oo guulo ka soo hoyno haduu alle idmo”.

Kooxda kubadda cagta Heegan ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya uga qayb gasho tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Africa wuxuu tartanka bilaaban doonaa Bisha soo socota.

W/D:C/laahi Daahir Siyaad Dhakoos
Print Bookmark and Share

Return to previous page