Article Details

Manchester United oo 31 Milyan kula soo wareegtay Memphis Depay.

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 12/6/2015 | Views: 404
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa adduun gaaraya 31 Milyan oo geniga Isterliinka ah una dhiganta 48 Milyan oo dollar ku soo afjartay kulana soo wareegtay gooldhaliyaha da'da yar ee xulka Nederland iyo koocda PSV Eindhoven Memphis Depay.
Depay oo 21 Jir ah xulka dalkiisana u saftay tiro 16 kulan ah ayaa waxa uu tan iyo sanadkii 2008 dii markii ugu horeysay kooxda PSV la qaaday horyaalka dalka Nederland (Holland) asagoo dhinaca gooldhalintana ku guulaystay ka dib markii uu horyaalka dalkaasi ka dhliyey 22 gool.

"Bog cusub oo nolashayda ayaa ii furmay heshiiskanina waa riyo ii rumowday waxaanan jeclahay in ay qayb wanaagsan ii noqoto" ayuu yiri Depay oo la hadlayey warfidiyeenada.

Xiddigan ayaa axaa sidoo kale ku raad joogay kooxaha ugu waawayn qaaradda Yurub waxaase ay u egtahay in uu aad u doorbiday in uu xiliga adag ee uu ku cusub yahay horyaal ka duwan kan dalkiisa uu ka hoos cayaaro macalinkii xulka dalka Nederland Van Gaal oo aqoon wanaagsan u leh cayaaryahankan da'da yar.

"Si aad u wanaagsan ayaan u aqaanaa Memphis waxaanan isla soo qaadanay waqti wanaagsan xiligii xulka qaranka, waa cayaaryahan da' yar kana cayaari kara boosas kala gedisan aad ayaanan ugu faraxsanahay in uu ka mid noqdo kooxda Man U" ayuu dhinaciisa yiri macalin Van Gaal.

Memphis Depay ayaa la joogay kooxda PSV Eindhoven tan iyo markii uu ahaa 12 jir waxaana muuqata in Man U ay sanadkan u gurbaana aruursanayso sidii ay tartanka horyaalka uga qaybgali lahayd laga bilaabo bilaabashada horyaalka.

Print Bookmark and Share

Return to previous page