Article Details

Lugtii 2 ee Horyaalka Ingiriiska 2014-2015 oo Ku Bilaabatay Guuldarada Chelsea vs Arsenal

Categories: | Author: Mohamud Hassan | Posted: 3/1/2015 | Views: 394
Waxaa daah Furmay Wareega 2 ee Horyaalka ingiriiska 2014-2015 Kaaso o ay ka qeyb galayaan 20 koox oo 3 ka mida ay xili ciyaareedkaan ka Yimaadeen Heerka 2aad. Horyaalka ingiriiska Kulamadii la Ciyaaray Lugta 20 ee Bilowga Wareega 2aad 1-1-2015 waxaa laga soo calaamadiyay 2 Guuldaro oo ku habsatay Macalimiinta Mourinho iyo Wanger kuwaasoo Koxahooda Chelsea iyo Arsenal ay kala garaaceen Naadiyada Totenham iyo Southampton.
Kulamadii qabsoomay ee Kooxaha qaarna ka yaabiyay kuwana faraxd galiyay sidatan ayey noqotay natiijooyinkooda.

Stoke City vs Man Utd 1-1 barbarahaan soo gaaray Kooxda Man Utd waxa uu ku qasbay in 9 dhibcood ay ka hoos maraan Kooxaha Chelsea iyo Man city oo Hogaanka iskula Wadaagaya min 46 dhibcood,halka Kooxda Kaalinta 3 ku Jirta ooa ad looga tagay Man Utd ay leedahay 37 dhibcood

Liverbool vs Leicester City. 2-2.Liverbool oo Marti loo ahaa ayaa difaacan weysay 2 gool oo rigoore ahaa oo ay ku hormareen uuna u dhaliyay kabtankooda Gerrad.

Sothampton vs Arsenal 2-0 .Naadiga Arsenal ee Macalin Wanger oo lagu Yaqaano karbaashida Koxaha yar yar ayaa ka qaaday Guuldardaan ku habsatay layaab waxana la arkayay Macalin Wanger oo Caro ay ka qabaneyso Goolasha lo waray Kooxdisia oo Hada u dhacday xaga kala horeynta kaalinta 6.

Totenham vs Chelsea. 5-3. Kooxda |Martida loo ahaa ee Toternham ayaa si weyn u xasuuqday Kooxda Chelsea oo doon eysay inay sii heysato hogaanka Horyaalka xaga dhibcaha Waxaana Totenham ay uga faraxalatay Cheslea Goolal gaaraya 5-3

Guuldarada soo gaartay Chelsea waxa ay taageerayaasheeda soo xasuusisay in Kubadu tahay Cad iyo Madow oo marba Xaalad ku marisa

Man city vs Sunderland. 3-2 .Kooxda Man city oo hogaanka xaga dhibcaha la wadaageysa Chelsea ayaa ku fakatay 3-2 cariiri ah waxaana Goolak Guusha qalinka ugu duugay qeybtii danbe ee Ciyaarta Xidiga Qadka dhexe Lambard oo isgau Maalmaahan aad ugu shida Kooxda Man city.

Guushaan ay ku afbilaabatay Man city wareega 2ee Horyaalka ingiriiska 2014-2015 waxa ay ka saaciday in xaga dhibcaha ay hogaanka kula wadaagto Kooxda Chelsea iyagoo wada leh min 46 dhibcood.

Kulamadii akle ee la ciyaaray Lugta 20 ee Horyaalka Ingiriiska 2014-2105 sidatan ayey kooxuhu u hardameen

QPR vs Swansea City 1-`1

Hull City vs Everton 2-0,dib u dhac ayaa ku yimid kulamadii ugu dambeeyay MKooxda Everton waxaana ay kala horeynta hada kaga jirtaa Kaalinta 13 iyadoo leh 21 Dhibcood halka Naadiga Qaarajiyay ee Hull city ay Kaalinta 15 la taagan yihiin 19 Dhbcood.

New Castle vs Burnley 3-3.

West Ham vs West Brom 1-1

Aston Villa vs Crystal Palace 0-0

Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed Cabdulle'Uurdoox'
Uurdoox2013@gmail.com
Print Bookmark and Share

Return to previous page